Taageerayaal kasoo jeeda deegaannada Aw Barkhadle, Qool-buullale, Celliyo iyo degmooyinka Gacan-libaax iyo Sallaxley, ayaa si rasmi ah ula midoobay xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE maanta.
Xaflad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayey taageerayaashan oo lagu qabtay huteelka ADDAMIS INN ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, saraakiil sarsare oo xisbiga ka tirsan, wasiirro, agaasimayaal, xildhibaanno, Salaadiin, cuqaal, haween iyo boqolaal taageerayaasha ku soo biiray xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo daah-furay xafladdaasi, ayaa si mug leh u soo dhaweeyey cudduda cusub ee xisbiga ku soo biirtay, waxaannu shaaciyey inay yimaadeen madal ay ka heli doonaan kalsooni iyo wada shaqayn.
Cuqaal, Odayaal iyo siyaasiyiin tiro badan ka soo jeeda deegaannada taageerayaashoodu xisbiga ku soo biireen oo ay ka mid yihiin; Axmed Xaaji Cabdi-waraabe (Oday), Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi, Maxamed Jaamac Magool, Khaalid Cawil, caaqil Abshir Yuusuf, suldaan Cawil Maxamed Warsame iyo oday Cali Quulle, ayaa iyaguna si faahfaahsan u sharraxay asbaabta ku kallifay inay xisbiga KULMIYE ku soo biiraan, iyaga oo caddeeyey inay arkeen waxqabadka xisbigu dalka ka fuliyey iyo siyaasadda hoggaanka waqtigan xisbiga u sharraxani ay kaalin mug leh kaga jiraan taageerada ay xisbiga u hayaan. Waxa kaloo ay ku dheeraadeen in go’aanka ku biiristooda KULMIYE uu yahay mid ay ka wadatashadeen oo ay si buuxda isugu raaceen.
Haween ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ay ka mid ahaayeen Marwo Samsam Maxamed Cige iyo Aamina Cilmi Fariid oo iyaguna madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si hufan u soo dhaweeyey taageerayaasha cusub ee ku soo biiray KULMIYE, waxaanay ugu baaqeen inay kaalintooda ka qaataan sidii uu xisbigu mar kale ugu guulaysan lahaa talada dalka.
Saraakiil shacabka miisaan ku leh, isla markaana xisbiga KULMIYE ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Komishanka La-dagaallanka HIV/AIDS-ka Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), Axmed Xasan Carwo, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), Maxamuud Raage iyo Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa iyaguna soo dhaweeyey taageerayaasha cusub ee ku soo biiray KULMIYE, waxaanay tilmaameen inay taageeradoodu guud ahaanba xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisa kalsooni buuxda siinayso.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa soo dhaweeyey taageerayaasha cusub, isaga oo sharraxay sida xisbiga KULMIYE mar walba diyaarka ugu yahay inuu qaybaha kala duwan ee bulshada kasbado, isla markaana uu xisbigu u heellan yahay horumarinta dalka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa muujiyey sida uu xisbiga KULMIYE ugu guulaystay qancinta iyo soo jiidashada shacabka ku dhaqan deegaannada Somaliland, isla markaana xisbiga iyo xukuumaddiisu heegan ugu jiraan inay ku tallaabsadaan waxqabad muuqda oo suurtogelin kara inay bulshadu mar labaad xisbiga soo doorato.
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey taageerayaasha cusub ee go’aansaday inay cududdooda ku xoojiyaan xisbiga KULMIYE, waxaannu tilmaamay inaanay xisbi ahaan hilmaami doonin abaalka taageero ee ay geysteen.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa xusay in baahi badan loo qabo in si hufan oo sarraaxad leh loo wadahadlo, isla markaana dhaliisha iyo wax-isu-sheeggaba loo gudbiyo si sharafi ku dheehan tahay, waxaannu isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:
“Haddii aynu isu nimi oo aad KULMIYE nagu taageerteen waxa wanaagsan inaynu isla garanayo waxyaabaha aynu doonayno, ugu horrayn KULMIYE ahaan waxaynu heshiis ku nahay cabsida Ilaahay, qarannimada Somaliland iyo inaynu dhexdeena is ixtiraamno oo aynu sidii dad gob ah u wada dhaqanno oo haddii uu qofku cid dhaliilayo si gobanimo leh u dhaliilo, haddii uu talo bixinayona si gobonimo leh u bixiyo, taas oo ah aadaabta adduunka oo dhammi ku dhaqmo.”
Guddoomiyuhu waxa uu farta ku fiiqay in ku dhaqanka caddaaladdu ay tahay astaan uu xisbiga KULMYE diyaar u yahay inuu ka gun gaadho, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Dawladda la dhisayo ninka madaxda ka ahi waa bani’aadam oo wuu qaldami karaa, laakiin waxa aynu isku dardaaraynaa in inta ugu badan caddaalad wax lagu maamulo, dadkuna sida ay xaqa u kala leeyihiin wax loogu eego oo xaqaasi aannu noqonin ka tirada badani keligii inuu iska dhaqaaqo, dadka meel wada degenna Ilaahay baa kala badiyaye caddaaladdu waxay ugu dhawdahay in ka badan ee codka badan helay uu ka yar ee codka yarna tixgeliyo oo uu dawladda iyo qarankaba inuu wax ku leeyahay ogaado,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Markaynu dawlad nahay waxa loo baahan yahay in aynu halka gorgorku wax ka eego ka eegno oo aynu qaranka oo dhan eegno, haddii ninka meesha la geeyo la yidhaahdo abti iyo adeer sidee qaranka loo maamulayaa? Idinkaa la idinka rabaa qaranka inaad kor u qaadaan oo aad dusha ka eegtaan.”
Muuse Biixi waxa uu si gaar ah uga hadlay arrimaha taabanaya quluubta shacabka reer Somalialnd ee ay ka mid yihiin dhibaatada shaqo la’aanta ee dhallinyarada haysata, isaga oo shaaca ka qaaday inay KULMIYE iyo bulshada caqliga lehba u taallo sidii dadkaas dhibaatada looga saari lahaa, waxaannu yidhi:
“Waxaynu nahay dad 70% (boqolkiiba toddobaatan) da’yadoodu ka yar tahay 30 dhallinyaro rag iyo dumarba ah, waxaana aynu nahay dad mustaqbalkooda iyo da’yartooda dhibaatada ugu badani hayso, waxaana la yidhaahdaa qofka bilaa shaqada ah iyo qofka maxbuuska ah ee dilka lagu xukumaa waa isku mid, qofka dhallinyarada ah ee jaamacadda ka baxay ee markuu guriga habeenkii seexanayo aan rajo qabin inuu shaqaynayo bal qof walowba ka fikir maskaxdiisa, dadkeena maanta codka bixinayana masuuliyadda saarani waa inay u hawlgalaan sidii dadkaas xabsiga shaqo la’aanta ah looga jabin lahaa ee aynu isugu dayi lahayn inaynu rajadooda keenno.”
Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
“Adduunyadu maanta way isbeddeshay oo xataa roobkii wuu inaga yaraaday oo abaarihii way bateen ee waxa loo baahanyahay in aqoonta loo guuro, gabay iyo reer hebelna lagaga bixi maayo ta maanta taagan, haddii aynu KULMIYE nahayna waxa shaqada lagu heli karaa oo innaga dhiman dhaqaale, si dhaqaalaheenu u hawlgalona maalgashi baynu u baahanahay, maalgashiguna sida salaaddu shuruudda u leedahay ayuu u leeyahay oo haddii aaddan shuruudaas keenin aannad helaynin, shuruudaasna waxa ka mid ah nabad, ninka ajaajibka ahi halka uu imanayaana waa inay aamin noqotaa, ta labaadna waa inay jirtaa caddaalad uu wixiisa ku heli karaa, ta saddexaadna waa inuu helaa dhul bilaash ah oo lacag la’aan ah, inaguna waxa aynu goosanay inay magaalooyinka sees ku wada xidhno oo cidda iman doonta aynu ka iibinayno, taasina ma suuroobayso.”
Waxa kaloo uu shaaciyey inuu xisbiga KULMIYE muhiimad gaar ah siinayo sidii looga gaashaaman lahaa abaaraha soo noqnoqda ee dalka ka jira, waxaannu yidhi:
“KULMIYE muhiimadiisa kowaad waa in biyo-xidheenno loo qabto dadka, abaarta maanta dhacdayna saddexda sanno ee dambe laga soo kabsan karimaayo, magaalooyinkuna waxa aynu nahay caydh xaraysan oo kuwaas uun baynu wax la cunaynay, haddii ay kuwii caydhoobeenna innaguna caydh baynu wada nahay, waxaana aynu u baahanahay in qaran ahaan oo uu xisbiga KULMIYE kow ka yahay in ugu horrayn dadka biyo loo xidho, in la beddelo sidii xoolaha loo dhaqayey ee geeddiga ahayd oo la dejiyo oo habayaraadeene xoolo tayo leh oo qof waliba inuu dhaqi karo ah loo dejiyo.”
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:
bandhige@gmail.com