Maareeyaha cusub ee Dekedda Berbera oo si weyn loogu soo dhoweeyey Berberba

Maareeyaha cusub ee dekedda Berber Axmed Yuusuf Dirir ayaa dadweynaha ku dhaqan jidka isku xidha Laasgeel iyo Berbera ay si weyn u soo dhoweeyeen.

Maareye Axmed Yuusuf Dirir ayaa goob kasta oo ay joogaan dadka soo dhoweynaayay u dagaayay oo shacabka mid midi u gacan qaadaayay halka uu haweenkana salaan gacan haadisa u lulaayay, waxaana kamid ahaa Degmooyinka ama Tuulooyinka uu Maareeye Axmed Yuusuf Dirir shacabka kala hadlay goobaha fagaarah ah isaga oo soo dhaweynta diiran uga mahad celinaya Degmada Laasgeel(Dacarbudhuq), Sheekh Abdaal, Lafaruug, Xamaas iyo Derigodle sidoo kale waxa Maareyaha oo gaadiid aad u tira badani galbinayaan loo soo galbiyay dhinaca magaalada Berbera halkaas oo soo dhaweyn laysla oogsaday gaadiid iyo dadweyneba lagu qaabilaya Maareeyaha Cusub ee Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir kadib markii shaaracyada magaalada laguna soo wareejiyay waxa Maareeyaha cusub munaasibada lagu qaabilayo loogu qabtay Huteel Maansoor Berbera halkaas oo dad aad u tira badan oo isugu jira masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Madaxda waaxyaha dekedda Waayeel, maamulka Maamulka kastamka Berbera iyo wax garad iyo waayeel tira badan oo ka hadlay goobtaasi ku bogaadiyeen xilka markii labaad loo soo magacaabay ee Maareynta iyo Maamulka Dekeda Berbera oo uu hore maareye uga soo noqday muddo hadda laga joogo afar sannadood ka hor

Ugu danbeyntii ayaa Maareeye Axmed Yuusuf Dirir oo bulshada kala hadlay munaasibadaas lagu qabtay Huteel Maansoor ayaa waxa uu mahad celin balaadhan bulshada u jeediyay guud ahaan shacabka Gobolka Saaxil isaga oo dadkii soo dhaweeyay ka codsaday in ay ugu duceeyaan in lIlaahay(SWT) uu xilkaas u fududeeyo kuna asturo ka soo bixitaankiisa sidoo kale waxa uu Maareeye Axmed Yuusuf Dirir balan qaaday in uu horumarkii hore uga socday Dekedda halkii kasii amba qaadi doono wax muuqdana uu qaban doono haddii Alle idmo.

bandhige@gmail.com