Xaflada la isku arkay oo ka qabsoontay huteelka Ambasador ayaa lagu soo bandhigay buug koobsanaya qodobada saldhiga u ah aafada tahriibta kaasi oo la magac baxay baroortu Orgiga ka wayn oo ay qortay Deeqa Sooma-jeeste.
Madashan waxaa isugu yimid madaxda asxaabta qaarkood, cuqaal, saladiin, dhallinyaro, abwaano, qorayaal waawayn iyo qaybaha bulshada waxaana lagu soo bandhigay muhiimada buugani leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in fikradda Deeqa loo tixraaci lahaa isla markaana tahriibka loola dagaalami lahaa.
Dhallinyaro kala duwan oo door ku lahaa buugan ayaa goobta ka hadlay, ka dibna waxaa hadalka qaadatay qoraaga buugan waxaanay ka warrantay sababaha ku dhaliyay inay buugan qorto iyo muhiimada ay is leedahay wuu yeelan karaa.
Deeqa soomajeeste waxay u mahad-naqday abwaano iyo suxufiyiin ay ka mid yihiin abwaan Haldeeq iyo Axmed Cismaan Batuun oo ay sheegtay in ay qayb wayn ka qaateen soo-saarista buuga iyo dhiiri-galinteeda waxaanay ka codsatay bulshada Somaliland in loo istaago joojinta tahriibta isla markaana dhallinyarada lagu jiheeyo horumar.
Sidoo kale waxa ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo baahan yahay in si adag loo xakameeyo tahriibta isagoo qoraaga buugan ku sifeeyay qof karti badan.
Gabagabadiina AgaasimahaGuud ee wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen “Dhabeeye” oo ka hadlay madasha ayaa isagoo ballan qaaday in wasaaradiisu ay taageero wayn siin doonto qoraaga buuga isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan suuq-gaynta buugan qiimaha badan isagoo wasaaradiisuna goobtan ku iibsatay konton buug. Dhabeeye ayaa geesta kale ugu baaqay dhallinyarta in ay ka qaybqaataan la dagaalanka tahriibta.