Madaxweynaha Afgaanistaan wuxu weerarrada is-qarxinta ah u aaneeyey Baakistaan

Madaxweynaha Afgaanistaan Ashraf Ghani ayaa si adag uga hadlay weerarrada soo noolaaday ee lala beegsanayo Kaabuul kuwaas oo dhawr maalmood gudahood sahayday nolosha 56 qof oo ay ku jiraan dumar iyo carruur.

Madaxweyne Ashraf wuxu sheegay in sidii caadada u ahayd ay weerarradan soo abaqaalayaan Baakistaan iyadoo ay Baakistaan ku yaallaan warshadaha soo saara walxaha qarxa iyo dadka is qarxiya.

“Sidii caadada ahayd, Baakistaan waxa ka furan warshadaha soo saara walxaha nalagu qarxiyo iyo xarumo tabobar oo ay ka soo baxaan kuwa isku kaaya qarxiyaa.”

Madaxweynaha Afgaanistaan wuxu sheegay in aanay u sii dulqaadan doonin in dadkooda lagu gummaado weerarro dibadda laga soo dhoofiyey, taas oo uu ula jeedo Afgaanistaan.

Ururka Daalibaan ayaa taariikhiyan wuxu taageero ka heli jiray Baakistaan oo ahayd halkii lagu soo aasaasay. Ilaa iyo hadda waxa la aaminsan yahay in ay gacan-saar joogto ah la leeyihiin Baakistaan.

Qaraxyadan soo cusboonaaday ee Kaabuul waxay xoogaysteen kadib geeridii ku timid hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Daalibaan Mulla Maxamed Cumar iyadoo ay Daalibaan ku kala jabeen doorashada hoggaamiyaha cusub Mullah Akhtar Mansoor.

Tani waxay muujinaysaa sida la saadaalinayo in wada-hadalkii u bilaabmay xukuumadda Afgaanistaan iyo kooxda Daalibaan uu meesha ka sii baxayo.

Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha:

Laba qarax ayaa Kaabuul ruxay 24 saacadood gudahood, waxa ku nafwaayey 35 qof, waxana ku dhaawacmay 267

Daalibaan oo ku kala qaybsantay doorashada hoggaankooda cusub

Hoggaamiyihii daalibaan, Mulla Cumar, oo dhimashadiisa la xaqiijiyey

Daalibaan waxay weerar ba’an ku qaadday xarunta baarlamaanka Afgaanistaan