Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi Oo Xadhiga Ka Jarey Mashaariic Lagu Soo Kordhiyay Wasaarada Gadiidka iyo Wakaalada horumarinta wadooyinka

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi Oo Xadhiga Ka Jarey Mashaariic Lagu Soo Kordhiyay Wasaarada Gadiidka iyo Wakaalada horumarinta wadooyinka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyaha Baanka dhexe, maareeyaha hay’adda horumarinta waddooyinka, hoggaanka ciidanka Booliska iyo madaxda gobolka Maroodi-jeex, ayaa ugu horrayn  kormeer iyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey shan mashruuc oo waaweyn, kuwaas oo ay kamid yihiin dhisme cusub oo loo bineeyey hay’adda horumarinta jidadka, dhisme loo dhisay  waaxda liisamada, sumadda  baabuurta iyo buugga dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo ay leedahay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku, Hoostada gaadiidka dawladda oo dayac-tir iyo qalabayn lagu sameeyey, shaybaadh lagu hubinayo tayada agabka loo isticmaalayo jidadka waddooyinka iyo  qalab macdaad ah oo loo soo iibiyey jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco.

Madaxweynaha, ayaa xadhig-ka-jarista kaddib kormeer kooban ku sameeyey  xarumaha cusub ee lasoo kordhiyey, waxana uu warbixinno ka dhegaystay khubaro iyo injineerro aqoon durugsan u leh agabka cusub ee goobtaas ku sugnaa, kuwaas oo si hufan uga warramay muhiimadda uu qalabkaasi u leeyahay horumarinta jidadka iyo helitaanka waddooyin waara oo muddo dheer loo aayo.

Munaasibad kooban oo gudaha hay’adda horumarinta jidadka lagu qabtay, ayaa  waxa ugu horrayn ka hadlay maareeyaha hay’adda horumarinta Jidadka, Mudane  Axmed Yuusuf Maxamed, waxana uu ku dheeraaday dedaalka ay hay’ad ahaan ugu jiraan sidii loo dhammaystiri lahaa dhammaanba baahiyaha dhinaca jidadka ah ee dalka ka jira iyo keenista agabka muhiimka u ah dhismaha waddooyinka oo halbowle u ah dhaqaalaha, isku xidhka iyo horumarinta dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka warkan: