Madaxweyaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa aqbalay in ciidamo shisheeye oo dheeraad ah la geeyo dalkiisa kadib booqasho ay dalkaasi ku tageen xubno ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Salva Kiir ayaa horey ugu gacan saydhay ciidamadaasi, waxa uuna sheegayay in arrintaasi ay lid ku tahay madax-bannaanida dalkiisa.
Caadis badan iyo cago-juglayn ah in cunaqabatayn lagu soo rogyo ayey kala kulmeyeen beesha caalamka, kadib markii ay diidday in ay aqbasho ciidammadan ka socda waddamada gobolka.
Hasayeeshee ugu dambeyntii ra’yigaasi waa ay badashay, oo haatan waxa ay sheegaysaa in ay ogol yihiin in ciidammadaa dheeraadka ah ay dalkooda soo galaan, kuwaasi oo xoojin doona ciidammada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo gaadhay ilaa 12,000 ee horayba halkaasi u joogay.
Kadib shir dhex maray Madaxweyne Kiir iyo wafdiga ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu wasiirka Arrimaha Golaha wasiirada ee dalkaasi Martin Elia Lomoro, waxa uu sheegay in wali si qoto dheer looga shaqeynayo qaabka shaqo ee ciidamadaasi.
Waxa uuna intaasi ku daray in dawladdu ay sidoo kale fududeyn doonto dhaqdhaqaaqa xorta ah ee howlgalka Qaramada Midoobay, si ay gacan uga gaysato hawsha loo igmaday ee ah ilaalinta dadka rayidka ah iyo in dadka la gaadhsiiyo gargaarka bani’aadanimo ee ay u baahan yihiin.
Wafdiga ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa saddexda maalmood ah, waxa uu booqday xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku yaal magaalada Juba iyo kuwa ku yaal waqooyi galbeed, waxa uuna wafdigani ugu baaqay dawladda in ay xaqiijiso in caddaaladda la hor keeno dadka lagu eedeeyay in ay gaysteen tacadiyo ka dhan ah aadanaha.