Madaxweyne Biixi Oo Laba Qandaraas Oo Culus Sí Qarsoodi Ah U Siiyey Ganacsadaha Ay Isku Jufada Yihiin Ee Ina Aw Siciid

Xoggo laga helayo illo wareedyo kale gedisan ayaa tibaaxay in Madaxweyne Biixi uu laba mashruuc oo shilis si qorsoodi ah u siiyey Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ay isku júfo hoose yihiin Madaxweynaha.

illaha aanu xogtan ka helayno oo ku kala sugan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa sheegay in Labadan Mashruuc ee naas nuujinta lagu siiyey Ganacsade ina Aw Siciid ayaa kala yihiin Mashruucá Jidka Berbera Corridor, hálka Mashruucá kalena lagu sheegay qalab lagu baadhayo kontiidharada kasoo Dega ama ka dhoofa Marsada Berbera ,kaas oo lagu rakibayo Gudaha Dekada Berbera, isla markaána uu dhaqaalaha kasoo xaroonaya uu ku dhici doono qasnadaha Ganacsade Ina Aw Siciid.

Geesta kalena mashaariicdan aan qandaraaskooda aanay shaacin Gudida qandaraasyada Qaranka ee qoysnimada lagu siiyey Ganacsade Maxamed Aw Siciid mahaa labadan kaliye, balse waxa Jira mashaariic kale oo tiro badan, kuwaas oo uu Madaxweyne Biixí naas nuujin uga dhigay Ganacsadahan.

Dhanka kale Madaxweyne Biixi ayaa tan iyo intii uu hoggaaminta Dalka qabtay badi qandaraasyada iyo mashruuciida shilis naas nuujin uga dhigay qóskiisa,xigtadiisa ,caruurtiisá qaarkood iyo Ganacsatada Beeshiisa oo uu kamid yahay ina Aw Siciid,waxaana xusid mudan in mashaariicdaa aan la marin gudida qandaraasyada Qaranka, balse si qorsoodi ah uun loo siiyo cidii ka tirsan acyaanta reer Aala sacuudka somaliland ka taliya wakhti xaadirkan

Si kastaba ha-haatee Madaxweyne Biixi ayaa labadaa qandaraas sifo xaraan ah ku siiyey Ganacsade ay isku Jufada Yihiin ee ina aw siciid, waxaana xusid mudan in aan la marsiin gudida qandaraasyada qaranka Somaliland.