Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ย xafiiskiisa ku qaabilay muwaadin Fuโaad Cabdiraxmaan Diiriye oo si farshaxamaysan gacantiisa ku farsameeyey astaanta Jamhuuriyadda ย Somaliland oo ka samaysan bir.
Madaxweynuhu waxa uu muwaadin Fuโaad Cabdiraxmaan Diiriye ku bogaadiyey sida uu xilka iskaga saaray inuu farsameeyo astaanta qaranka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inuu sii wado dedaalkiisa siina horumariyo fikirka cusub ee uu la yimi.
Waxaanu madaxweynuhu u muujiyey muwaadinkaas in uu isaga iyo inta la midka ahba ee la timaada hal abuur la barbar taagan yahay dhiirrigelinta afkaarta cusub ee ay la yimaaddaan muwaadiniinta qaranka Somaliland u dhashay ee maskaxdooda tuujiya.
Bandhige@gmail.com