Madaxweyne ku-xigeenka Ahna Ku-simaha Madaxweynaha wuxu cisbitaal International ku Booqday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo xaalad caafimaad u jiifa

 

Madaxweyne ku-xigeenka Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” wuxu cisbitaal International ku Booqday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo xaalad caafimaad u jiifa.

Waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku Xaajiga ALLE uga baryay inuu caafimaad taamaha siiyo kana dulqaado xanuunka, isagoo sheegay madaxweyne ku xigeenku In Xukuumadda Somaliland u diri Doonto xaajiga Dalka Imaaradka carabta si loogu soo daweeyo waxaana halkaasi uga mahadnaqay xukuumadda iyo shacbiga Somalilandba Qoyska xaaji Cabdi-waraabe oo Madaxweynaha, madaxwayne ku-xigeenka iyo guud ahaan Xukuumada Somaliland ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ogaanshaha iyo ka war haynta xaalada xaajiga.

bandhige@gmail.com