Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliald iyo wefti uu hogaaminayaa waxay ka qayb galeen xaflad Lloo sameeyay 725 arday oo ka qalin jebiyay Jaamacada Camuud

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdirxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maanta ka qayb galay xaflad ballaadhan oo loosameeyay arday dhan 725 oo ka qalin jebiyay Jaamacada Camuud.

Guddomiyaha jaamacada Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed ayaa uga mahad celiyay weftiga booqashadooda iyo kasoo qayb galka xafladaasi waxanu sheegay guddomiyuhu in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo uu jaamacada Camuud la garab istaagay naf iyo maalba isagoo si weyn ugu mahad celiyay xukuumada Somaliland guud ahaan doorka laxaadka leh ee ay ka qaadato hawlaha jaamacada waxaanu yidhi “Waxaan marka hore halkan aad uga mahad celinayaa Madxwayanaha JSL iyo Xukuumadiisa oo door fir-fircoon ka qaata hawlaha jaamacada, jaamacadan waxa la aas-aasay 1997  intii ka horaysayna waxay ahayd School aad baan ugu faraxsanahay in aanu halkan soo gaadhsiino” ayuu yidhi Madaxweynaha Jaamacadu Camuud.

Guddomiyaha ahna murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ardayda qalin jebinaysay khudbad dardaaran ah ku siiyay waxa uu yidhi:

“Aad baan idiinku hambalyaynayaa 40 sanadood ka hor ayaan ka baxay Camuud waxaan idinka rajaynayaa inaad anfici doontaan naftiina iyo ta qoyskiina iyo ta qarankaba waa laydin soo eegayaa sidaad samaysaanbaa la eegayaa dalka idinkaa u maqan.”

Madxwayne ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebegebadii xafladaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay maraaxilkii ay soo martay jaamacadu isagoo aad ugu hambalyeeyay madaxwyne ku-xigeenku maamulka sare ee jaamacada, waxaanu yidhi:

“Hambalyo ardayda maanta qalin jebisay, waxaan idinkula dardaarmayaa inaad qaranka anfacdaan marxalado badan ayay soomartay jaamacadu,  waxaan aad u amaanayaa madaxda jaamacada oo dadaal dheer sameeyay ardayda waxan kula dardaarmayaa inay qaranka u shaqeeyaan dawladu shaqo badan ma abuuri karto ganacsato ayaa maanta shaqooyinkii ugu badnaa ay gacanta ugu jiraan waxa laydiinka baahan yahay inaad shaqo abuurtaan.”

​ Ugu danbayntiina waxa uu madaxweyne ku xigeenku shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii halkaasi ka qalin jebisay shalay.

bandhige@gmail.com