Madaxweyne Siilaanyo oo isku-diwaangeliyey kaadhka Golaha dhexe ee Kulmiye, iyadoo xukuumaddii iscasilaadi soo foodsaartay

Tiro masuuliyiin sar sare oo ay ku jiraan qaar saaxiibo dhow la ahaa, oo aan xilka laga qaadin tan iyo intii ay jirtay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa iska-casilay xilkii ay xukuumadda u hayeen, iyagoo ku sababeeyey in Madaxweyne Siilaanyo ka u xaglinayo dhinaca tartanka musharaxnimadda xisbiga Kulmiye.

Balse eedayntaas oo dhan waa uu beeniyey Madaxweyne Siilaanyo, beenintaas ka dib waxa uu Madaxweyne Siilaanyo shalay isku diwaan-geliyey qaadashada kaadhka Golaha Dhexe ee shirweynaha shannaad ee Kulmiye oo uu yahay odaygii aasaasay.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay qaadashada kaadhka Golaha Dhexe ayaa waxa uu yidhi:

“Alxamdulilaahi rabil caalamiin, farxad wayn bay  ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga Kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawladda weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiraddii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga Kulmiye iyo dawladda waxaanu nahay dhexdhexaad, waxaanu nahay dawladii qarankani doortay  ee shacabka iyo ummaddu  doorteen baanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe, insha Allahu tacaalaa, waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hoggaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsan tihiin.”

Xubnaha masuuliyiinta ee saluuga badan ka muujiyey ayaa waxay u eg tahay sida hawlaha qabanqaabada shirku u socdaan in aan waxa isbedel ah ku keenin habsami u socodka shirka.

DSC_0065 5

bandhige@gmail.com