Madaxweyne Siilaanyo wuxu magacaabay Masuuliyiin cusub

 

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda ayaa lagu magacaabay laba masuul oo cusub.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina wuxu u dhignaa sida tan: 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5157/102017 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Somaliland iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyidoona Dalka Ireland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Hay’adda Maalgashigu u leedahay kor u qaaddida koboca dhaqaalaha iyo horumarinta Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:                   Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:                       In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cismaan Maxamed Jaamac Badmaax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo magacaabidda jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Jaamac (Dheri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland.

ALLAA MAHAD LEH

 

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL