Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Somaliland wuxu beeniyey warar lagu baahiyey warbaahint oo sheegaya in uu iska casiley xilkii uu Qaranka u hayey

 

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane. Maxamed Muuse Abees oo ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku beeniyey wararkaasi, sidoo kalena ku sheegay inuu La shaqaynayo Xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo xisbul xaakimka Kulmiye, qoraalkaasi ayaa u dhigan sidan:-

“Waxa aan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo taageerayaashayda u sheegayaa in haba-yaraatee aanay jirin meel aan ku shaaciyey in aan iska casilsay xilkii aan qaranka u hayey ee uu I igmaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Axmed Maxamed Silaanyo.

Waxaanan u sheegayaa kuwa faafinaya wararkaasi inay dadka khalkhalka ka daayaan oo ay dhawraan milgaha saxaafadda iyo ka masuuliyiinta, wax aniga igu kelifaya in aan is-casilaana ma jiraan, waxaan u shaqaynayaa qarankayga iyo xisbiga aan ka midka ahay ee Kulmiye, mana ahi qof caadaystay inuu kolba meel ka soo muuqdo mana ahi kuwa diga-rogashada badan ee maalinba meel ka soo muuqda, balse waxaan ka mid ahay jiridaha waa weyn ee xukuumadda iyo xisbiga kulmiye.

Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada JSL

 Mudane Maxamed Muuse Abees.