“Cod Markay Noqoto GABILEY Waa Halka Lagu Kala Baxo, Waana KULMIYE” Wasiir Garas

 

Wasiir-ul-dawlaha macdanta iyo tamarta Somaliland Mud. Yuusuf Cismaan Garas ayaa iftiimiyay waxyaabaha xisbiga Kulmiye codka kaga doonayo bulshada ay kamid tahay waxqabadka xukuumadda Kulmiye intii ay talada dalka haysay, iyo ballanqaadka ku dhigan barnaamijka xisbigooda.

Mr. Garas oo bulshada ku dhaqan gobolka Gabiley kala qaybgalay, ololaha xisbiga Kulmiye, ayaa khudbad u jeediyay kumanaan shicibka magaaladda Gabiley oo isugu soo baxay fagaaraha magaalada, “xisbigani waxa uu ku tartamayaa waa waxqabadkii todobadii sano uu xukuumadda hayay, iyo waxa dambe ee uu qabanyo.” Ayuu yidhi wasiir Garas.

Mr. Garas waxa uu sheegay in xisbigooda Kulmiye aanu ka walwalsanayn codka reer Gabiley, oo uu ku tilmaamay barta kala reebta ee lagu kala baxo markay doorashada noqoto, “waxaan leeyahay halka lagu kala baxaa, waa Gabiley, ee codka lagu kala helaa, Gabileyna waa Kulmiye.” Ayuu yidhi wasiirku. “xisbigani maaha mid cay aflegaado ku tartamaya, Muuse Biixi-na maaha nin qabiil. Muuse Biixi waa hogaamiye qaran.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Wasiir Garas waxa uu tilmaamay in Musharraxa madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi aan lala simi Karin, kuwo  uu tilmaamay inay Maraykanka ku raaxaysaneen, markii uu Muuse Biixi halganka xoreynta Somaliland ku jirey.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com