Madaxweyne Siilaanyo wuxu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex waxaanu xilkaasi u magacaabay masuul cusub

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa waxa xilkii lagaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu dhignaa sida tan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XILQ/249/1-5169/102017 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey  Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Xilka Qaadis 

Ku:      Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine),

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Maroodi-jeex                                              Hargeysa

Og:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                          Hargeysa

Ujeeddo:         Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Boos Mire Maxamed, oo aan xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

Sidoo kale, waxaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:        In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL