Magacyada hogaamiyeyaasha afrika ee ka qayb-galaya shirwaynaha ruushka iyo dalalka afrika oo maanta ka furmay dalka ruushka

Waxaa maanta dalka ruusha ka furmay shirwaynihii ugu horeeyay ee u dheexaya ruushka iyo dalalka qaarada afrika.

Shirkan ayaa waxa uu ujeedadiisu yahay sidii uu ruushku saamayn balaadhan ugu yeelan lahaa qaarada afrika, ayaa waxa uu socon doonaa laba maalmood waxaana ka qayb-galaya wufuud gaadhaysa 3,000 oo qof oo ka-kala socda qaarada afrika.

In ka badan labaatan madaxweyne oo Afrikaan ah, madaxweyne ku xigeenno, Ra’iisul Wasaareyaal, Wasiiro iyo wakiillo kale oo dowladeed ayaa hadda ku sugan magaalada Sochi, Waxaa ka mid ah:

  • Alpha Conde, madaxwaynaha dalka Guinea
  • Filipe Nyusi, madaxwaynaha dalka Mozambique
  • Muhammadu Buhari, madaxwaynaha dalka Nigeria
  • Cyril Ramaphosa, madaxwaynaha dalka South Africa
  • Peter Mutharika, madaxwaynaha dalka Malawi
  • Ibrahim Boubacar Keita, madaxwaynaha dalka Mali
  • Teodoro Obiang Nguema, madaxwaynaha dalka Equatorial Guinea
  • Roch Marc Kabore, madaxwaynaha dalka Burkina Faso
  • Yoweri Museveni, madaxwaynaha dalka Uganda
  • Paul Kagame, madaxwaynaha dalka Rwanda
  • Nana Addo Dankwa Akufo-Addo, madaxwaynaha dalka Ghana
  • Julius Maada Bio, madaxwaynaha dalka Sierra Leone
  • Emmerson Mnangagwa, madaxwaynaha dalka Zimbabwe
  • Andry Rajoelina, madaxwaynaha dalka Madagascar
  • Adama Barrow, The Gambia
  • Mohamed Cheik El Ghouzani, madaxwaynaha dalka Mauritania
  • Mohamed Abdulahi Farmaajo, madaxwaynaha dalka Somalia
  • Idris Deby Itno, madaxwaynaha dalka Chad
  • Abdul Fattah al-Burhan, madaxwaynaha dalka Sudan
  • Abdelkader Bensaleh, madaxwaynaha dalka Algeria
  • Denis Sassou Nguesso, madaxwaynaha dalka Republic of Congo
  • Hage Geingob, madaxwaynaha dalka Namibia
  • Fayez Serraj, madaxwaynaha dalka Libya
  • Ismail Omar Guelleh, madaxwaynaha dalka Djibouti
  • Joao Manuel Lourenco, madaxwaynaha dalka Angola
  • Faustin Archange Touadera, madaxwaynaha dalka Central African Republic
  • Jewel Howard Taylor, madaxwayne ku-xigeenka dalka Liberia vice-president
  • Julien Nkoghe, Ra’iisal wasaaraha Gabon
  • Kassim Majaliwa, Ra’iisal wasaaraha Tanzania
  • Abiy Ahmed, Ra’iisal wasaaraha Ethiopia
  • Osman Saleh, Wasiirka Arimaha Dibada
    Eritrea

    Bandhige@gmail.com