Labba arin oo uu saaka Gudoomiye C/Raxmaan Cirro ka hadlayba waan la yaabay oo waliba u qaadan waayey inay C/raxmaan oo kale bulshada la horyimaado
1) Waa ma koobaade gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu carabka ku adkeeyey inuu Madaxwaynaha Qaranku ganacsi iyo dhul-boob kaga mashquulay wixii loo doortay, Cabdiraxmaan inalamuu wadaagin hanti cad oo uu Madaxwayne Muuse Qaranka ka dhacay intuu xilka hayey hadday tahay lacag iyo hadday hanti ma guurtaba tahay kaliya hadal aan tixraac lahayn ayuu dhagaha bulshada reer Somaliland ku ganay, qof muslim ah in la eedeeyo isagoon cadayn lagu hayn waa xaaraam, Gudoomiye C/Raxmaana isagoo aayado quraana daliishanaaya ayuu haddana qof muslim ah ribeeyey oo uu yidhi hanti ayuu xaday iyo dhul ayuu boobay, hal goob ana 1000 shillin oo uu madaxwaynu qaatayna inoomuus sheegin.
2) Qodobka labaad ee aan kula yaabay waxa weeye Beenaale ayuu ku sheegay Madaxwaynaha iyo balan ka bax, Maalintii heshiiska la saxeexay in hebelo aan lagu soo darin qodob heshiiska ka mid ah muu ahayn, in todoba xubnood la soo magacaabo ayaa lagu heshiiyey, C/Raxmaan Cirro si fiican ayuu u ogyahay in gollaha sharcidajintu ( Wakiilada) ay xaq dastuuriya u leeyihiin inay ansixiyaan xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka ama diidaan, 12 Sanno ayuu shirgudoon ahaa wax ku seegan ma jiro nidaamka ay maraan ansixinta xubnahaasi, Madaxwaynuhu soo jeedin ayuunbuu leeyahay laakin ansixin xeerku ma siinaayo, Ina Riyo Raac arinkiisa in Gollaha awooda u leh loo daayo ayey ahayd oo xeerka iyo gollahaba lagu kalsoonaado ilayn waa kuwii horeba madaxwaynaha mooshin ugu diidee, laakin in Cabdiraxmaan Madaxqaynaha yidhaahdo balan uu nala galay ayuu nagaga baxay iyadoon jirin ayaa iyana u muuqanaysa wuxuu isla Cabdiraxmaan Madaxwaynaha ku eedeeyey.
Labbadaas qodob ee sida waafiga ah u cadiba way iga yaabiyeen, bulshada in la majaro habaabiyo ma fiican Xeerka iyo xadka sharciba si wacan ayey siyaasiyiintu u garanayaan ee luuqada kale hayska daayaan.