Madaxweyne Muuse Biixi ma tanaasulo waanu ku caano maalay (WQ: Muniir Axmed Cigaal)

Madaxweyne Muuse Biixi Ninka aan aqoon u lahaynow adeer waligiiba ma tanaasulin. Tiisa ayay mar kasta noqota oo loo goyaa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi KULMIYE ayaanu wada ahayn isagoo Guddoomiye ku-xigeen ah isago Guddoomiye ah iyo isagoo aan labada midna ahayn. Waligii arrin KULMIYE dhexdiisa uu ka doonay kamuu tanasuulin ilaa wax kale loogu badalay. Madaxweyne ku-xigeen inuu u noqdo Siilaanyo ayuu doonay, 2 sanno markii la baryaayay ee la laha laba Nin oo Isaaq ahi iskuma xigi karaan waxa lagaga fur furay in la siiyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga oo aanay cidna kula tartamin. Waa halkay ku kala gureen Mujaahid Ibaraahim Dhego-wayne iyo Maxamed Kaahin oo Abti iyo saxiib isku dhaw aha . Muuse Biixi ayaa Axmed Siilaanyo ku xujeeyay in Beesha Habarjeclo shirka Golaha dhexe dhammaantod u codayso waliba Maxamed Kaahina farta ugu hortaago iyagoo wakhtigaas aan isku wacnayn oo xurguf adagi ka dhaxaysay (Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi ) Dhego-wayne sidaa ayuu ku hadhay .

Shirkii Burco ee Murashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka lagu doranaayay Muuse Biixi Hargaysa ayuu hadana ku hadhay laba casho markii shirku dib u dhacay ayaa Muuse Biixi la yidhi maxaad rabtaa, “ilaa Siilaanyo warqad iigu qoro inuu 40-casho gudahood doorashada kadib amma ha helo amma hawaaye Xisbiga KULMIYE igu wareejinaayo ilaa uu taas sameeyo ma imanaayo. ” Duhur cad ayaa loo saxeeyay waanu la wareegay 40-kii casho kadib .

Markii Axmed Siilaanyo Madaxweyne noqday amar ayuu soo saaray odhanaaya “Madaxda madaxtooyada soo gasha Askarta ilaalada u ah qoryo yaanay la soo galin, Madaxtooyada ayaa ka masuul ah ammaankooda markay yimadaan. Madaxda waxa kamid ah Guddoomiyaha Guurtida, Guddoomiyaha Wakiilada , Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo Guddoomiyaasha Axsaabta Mucaaridka ah . Marka UDUB iyo UCID ayaa aha .”

Muuse Biixi gashaanka ayuu dalabkii Siilaanyo ku dhuftay golaaftan hanjabaad iyo fariimo way inoo tahay ahna Madaxweyne Siilaanyo ayuu gaadhsiiyay. Ergada ayaa galaa baxday. Markii loo tagay ee la yidhi Guddoomiye adiga kugu gaar maha amarka Siilaanyo. Wuxuu yidhi ” Waar dhagaysta Siilaanyo meesha anaa saaray Wallahay yeeli maayo in Habarjeclo Xukunkii iyo awoodi iyo Madaxtinimadi qaadato oo la jeesato oo isagu (Siilaanyo ) intuu intaas oo Ciidan ah isku wareejiyo Ana Askartayda lay diido ilaa qolka aan kula shiraayo ayaan la galayaa “. Tiisi ayay noqotay . Maanta waa Madaxweyne arrinku siduu ahaa inuu ka badalo ayay ahayd waayo Dulqaadka iyo tanaasulka xitaa Xaaskaga iyo Ciyaalkaga ayaad ku dhiqi karta oo hadad ku kanaato Rerkaaga ayaa ku dumaaya, ma muuqato kolay anigu ma arko adiguse akhriste mooyi inay taasi ku muuqato..

Marka qolada Mucaaridka ah ee Koomoishan iyo arrimahaas Beesha Caalamka rajaynaysa inay Muuse Bixii ka badasho way iska ciyaarayaan. 2-Sanno ayaa ku lumay 9 Xubnood ayaanu rabnaa 2 sanno kadib ayay 7 Xubnood noqtay oo tii Muuse Biixi ku adkaystay ahayd, Maantana 2 sanno oo kale ayaynu Riyo Raac iyo Gabadha uu soo celiyay ku murana. Hadhowna ay ta Muuse Biixi noqotaa ? Khuuro kale ha la keeno. M. Biixi ma tanaasulo waanu ku caano maalaye.

Tusan.