Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Shirkada Caalamiga ah ee ย Samsung oo ay dalka keentay Shirakada Dahabshiil Group.
Munaasibad balaadhan oo loo qabtay daah-furka Shirkadaasi islamarkaana lagu soo dhaweynayey ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka isagoo halkaasi ย ka sheegay inay soo dhaweynayaan shirkada Samsung oo kamida Shirkadaha ugu caansan dunida, ka xukuumad ahaana ay door weyn siinayaan maalgashiga iyo horumarinta wax kasta oo dalka iyo dadka dan u ah islamarkaana ay ku dedaalayaan suurta galnimada horumarka noocan oo kale ah.
Waxaana uu Shirkada Dahabshiil Group iyo Mulkiilaheeda Madaxed Siciid Ducaale uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay Bulshada ugu jiraan, shirkadanina ay tahay mid wax weyn ka bedeli doonta horumarka waddanka.