Mareykanka oo qaadanaya 10 kun oo qaxoonti Suuriyiin ah

Madaxweyne Barack Obama ayaa ugu baaqay maamulkiis in ay isku diyaariyaan qaabilaada 10 kun oo qaxoonti Suuriyaan ah oo ay qaadan doonaan sannadka soo socda.

Tiradan ayaa noqonaysa tiradii ugu badnay ee Suuriyaan ee uu qaato Maraykanku tan iyo intii ay bilaabmeen colaadu ka bilaaban tahay Suuriya.

Yurub ayaa waxay ka badan tahay tirada uu Maraykanku shaaciyey in uu qaadanayo sannadka soo socda 340,000 oo qaxoonti ah.

Maraykanka ayaa gargaar gaadhay 4 bilyan oo doolar gaadhsiiyey dadka colaaduhu saameeyeen.

Afhayeenka Aqal Cad Josh Earnest ayaa sheegay in Qaxoontiga Suuriya la siinayo ahmiyad gaar si kor loogu qaado baahiyahay qaxoontiga, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Muhiimadda ay arrintu leedahay iyo sida ay kaga go’antahay Mareykanka in uu aqbalo dad ku nool goobaha colaadda si loo siiyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Aqal Odayaasha Maraykanku waa in uu ballan qaad dhaqaale oo wax ku ool ah ugu daraa miisaaniyada sannadka soo socda.”

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay in dalkeeda uu u diyaar yahay in uu aqbalo 800,000 oo qaxoonti Suuriyiin ah, iyagoo ilaa iyo hadda aqbalay ku dhawaad 450,000 oo qof.

Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay in Ingiriisku qaadan 20,00 oo qaxoonti Suuriyaan ah oo ay ka soo qaadan doonaan xeryaha qaxoontiyada ee ay ku jiraan.

bandhige@gmail.com