Markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Maraykanka ayaa shil galay

 

Todoba ka mid ah ciidamada badda ee Maraykanka oo sarnaa markab dagaal oo lagu magacaabo USS Fitzgeralds ayaa la la’yahay ka dib markii markabkoodu uu ku dhacay midkale kale oo siday xamuul oo ku sugnaa xeebaha dalka Japan.

Dadka ku dhaawacmay shilkani waxa la sheegay in uu kamid yahay taliyaha ciidammaadii sarnaa markabka oo markii dambe loola cararay cisbitaal. Wuxuuna shilkan ka dhacay meel 104 km dhanka koonfureed kaga began magaalada Yokosuka ee dalka Japan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada badda Maraykan ayaa waxa uu sheegay:

”Taliyaha ciidammadii sarnaa markabka xaaladiisu waa ay ka soo reyneysaa, waxaana la geeyay cisbitaal ay ciidammada Mareykanka ku leeyihiin magaalada Yokosuka.”

Sawirro laga qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinaya burubur baaxad weyni soo gaadhay markabka ciidamada Maraykanka.

Waxaana sidoo kale shilkani ka dhacay biyaha dalka Japan ku dhaawacmay labo katirsan ciidamada badda ee Maraykanka oo sarnaa markabka, balse markii dambe lagu la cararay diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ee Helikobtarada.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa ka mid meel aadka u mashquulka badan, iyadoo marin u ah maraakiibta u socdo, kana socda caasimadda Japana ee Tokyo.USS Fitzgerald ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid ka mid ah maraakiibta ugu casrisan Maraykanka ee dhanka dagaalka, waxaana ku rakiban radaar la socda dhaqdhaqaayada badda.

Ilaa iyo hada ma cadda waxa sababay shilka, balse sarkaal u hadlay dawlada Japan waxaa uu sheegay in ay baadhayaan qaabka ay wax u dhaceen.

bandhige@gmail.com