Waxa ka socda Liibiya dadaalo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo dad ay haystaan Magafeyaal

 

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ay jiraan dadaalo lagu soo samata bixinayo ku dhowaad 200 muhaajiriin ah oo ka yimid Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaas oo magafayaal ay afduub ahaan ugu haystaan Liibiya, sidoo kalena ay madax-furasho ka dalbanayaan.

Dhinaca kale, safaaradda Soomaaliyaa ee Liibiya ayaa sheegtay in dadkaasi lagu hayso meellaha ay ka taliyaan mucaaridka Liibiya, isla markaana ay adag tahay in ay dadkaasi wax u qabtaan mar haddii aanay tagi karin halkaasi oo aan loo oggoleyn.

Todobaadyadii aynu soo dhaafnay ayaa waxa baraha bulshadu ku wada xidhiidho la soo dhigay muuqaalo garaacis iyo jidh-dil loogu gaysano dhallinyarada Soomaali ah oo bixin waayey lacagta madax-furashada ee laga rabay.

bandhige@gmail.com