Maxkamadda Caalamiga ee dambiyada ayaa waxay maanta go’aan ka gaadhaysa Madaxweyne-ku-xigeenka Kiiniya William Ruto oo ku eedaysan dambiyo ka dhan ah aadamaha.
Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee dambiyada ayaa la filayaa in ay meesha ka saaraan dembiyada iyo in ay sii socoto maxkamadaynta Ruto.
Qalalaase ka dhashay murankii doorashadii 2007-dii ayaa waxa ku dhintay dad lagu qiyaasay ilaa 1200 oo qof.
Ruto ayaa iska fogeeyay eedaha ay ka midka yihiin dil, mustaafurin iyo dhibaatayn dhanka qowmiyadda ah.
Qareenada Ruto ayaa sheegaya in dambiga loo haysto uu bari ka noqon doono kadib markii markhaatiyaal muhiim ah ay isaga baxeen amaba ay badaleen hadaladoodii hore.
Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Fatou Bensouda, ayaa qirtay in markhaatiyada ka baxay ay kiiska ka dhanka ah Madaxweyne-ku-xigeenka ka dhigeen mid daciif ah, haseyeeshee waxa ay ku dooday in ay hayaan caddeymo ku filan oo ay ku sii wadi karaan maxkamadeynta.
2014-kii, ayey dacwad ooguhu waxa ay meesha ka saartay eedo kuwa Ruto oo kale ah oo loo haystay Madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta, iyadoo ku andacootay in loo goodiyay markhaatiyaal taasi oo ku hoggaamisay in ay badalaan markhaatikacooda.