Midowga Yurub iyo Xukuumadda Somaliland oo Kala Saxeexday Mashruuc Dib Loogu Habaynayo Hay’adaha Garsoorka iyo Booliska Somaliland

Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Safiirka midowga Yurub iyo safiirka Sweden u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta kala saxeexday mashruuc ballaadhan oo dib loogu habaynayo hay’adaha garsoorka iyo Booliska

Mashruucan oo ku kacaya lacag ka badan Toddoba milyan oo dollar, ayaa maanta lagu kala saxeexday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, waxana goob-joog ka ahaa wasiirrada wasaaradaha caddaaladda, Dastuurka iyo xidhiidhka goleyaasha, qorsheynta qaranka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyayaasha ciidamada Booliska, Asluubta iyo Laanta socdaalka, guddoomiyaha hay’adda xuquuqal Insaanka qaranka iyo qaar kamid ah hay’adaha qaramada midoobay iyo kuwa midowga yurub ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha garsoorka iyo horumarinta shuruucda, iyada oo halkaas  si qoto dheer loogu faahfaahiyey muhiimadda  uu mashruucani u leeyahay qaranka iyo guulaha laga rajaynayo.

Madaxda midowga Yurub ee madasha ku sugnayd iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa si hufan u sharraxay baahida ay Somaliland u qabto in hay’adaha Garsoorka iyo Booliska dib loo habeeyo, maadaama ay hay’adahani fure u yihiin horumarka bulshada.

Safiirrada Midowga Yurub iyo dalka Sweden oo iyaguna goobta ka hadlay,  ayaa caddeeyey inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada kala duwan leh, islamarkaana ay ku talinayaan in qaranku sida ay tahay uga faa’iidaysto mashruucan.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruuca noocan oo kale ahi uu faa’iido badan u leeyahay qaranka, islamarkaaana ay hay’adaha loogu talo galay diyaar u yihiin inay ka midho dhaliyaan.

Ugu dambayntii waxa madasha lagu kala saxeexday mashruuca dib loogu habaynayo hay’adaha Garsoorka iyo Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.