Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI waxa uu Cisbitaal iyo Guryahooda ku soo booqday taageerayaal xisbiga oo xaalad caafimaad u jiifa, kadib markuu ka soo noqday gudashada Xajka 

 

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr/Xaaji Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka dib soo laabashadiisii safarkii uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uu guryahooda iyo weli ba Cisbitaalo ku yaala gudaha Hargeysa ba uu ku soo booqday dad u jiifa xaalad caafimaad oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Murashax Cirro oo booqashadiisan ay ku wehelinaayeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI iyo weli ba sida oo kale saraakiil ka tirsan Xisbigaasi, ayaa ugu horreyn Alle uga bareyey dadkaasi bukaanka ah in uu ka dulqaado xanuunka isla mar ahaantaana uu ugu bedalo caafimaad sareecan ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=9fUPIvYIitQ&feature=youtu.be

bandhige@gmail.com