Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa waxa uu taageeray Hillary Clinton, laba maalmood ka dib markii ay noqotay qofka noqonaya musharraxa madaxtinimo Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga.
Isagoo ka haldaya taageerada uu fidiyey Hillary Clinton waxa uu yidhi:
“Waan ogahay in shaqadan adag tahay, taasi darteed ayaan oga’ahay in Hillary Clinton ay shaqadan ku wanaagsan tahay.”
Taageerada Obama ayaa timid waxyar kadib markii Obama uu Aqalka Cad kula kulmay ninka ay Hillary Clinton loolamayaan ee Senator Bernie Sanders.
Sanders ayaa ka dhawaajiyay in uu ololaha sii wadi doono oo toddobaadkan danbe oo uu ka qeybgali doono doorashada hordhaca ah ee ka dhacaysa magaaladan Washington DC.
Sidoo kale waxa Hillary Clinton taageeray Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka Joe Biden iyo Elizabeth Warren oo ah sanatar laga soo doorto gobolka Massachusetts.