Qoyska uu ka soo jeedo marxuum Cabdoo Yusuf al-Khatib al-Tamimi ayaa dawladda Yuhuudda ku eedeeyey in uu wiilkoodu ku baxay gacantooda kadib markii ay si ba’an u garaaceen isaga oo xabsiga Moskabiya ku jira ka hor intii aanu geeriyoon.
Cabdoo Yusuf al-Khatib al-Tamimi oo 43 jir ahaa wuxu ku geeriyooday xabsigan oo ku yaalla Galbeedka Quddus, xabsigaas oo lagu naanayso Kaamka Ruushka.
Waxa la xidhay dhawr maalmood ka hor kadib markii lagu qabsaday khalad fudud oo la xidhiidha wadda-marista baabuurta, wuxuna geeriyooday 23kii July.
Al-Tamimi wuxu ifka kaga tagay hooyo iyo afar carruur ah.
Xaaska marxuuka oo hadda xaamilo ah ayaa tibaaxday in maxaabiista kale ee xabsigu ay u sheegeen in odaygeedu geeriyooday sidii loo karbaashayey.
Sawiro la sii daayey, markii dambese degdeg looga saaray interntet-ka, ayaa muujinayey nabarro faro badan oo oogada jidhkiisa ku yaallay.
Il-wareed: Aljazeera
Bandhige@gmail.com