Salaasadii ina dhaaftay waxay ku beegnayd afartan guurada masiibada burburkii duulimaadkii Somali Airlines ee ay saarnaayeen ku dhawaad 50 qof, kuwaas oo isugu jiray rakaab ay ka mid ahayeen 9 qof oo isku qoys ah iyo shaqaalihii diyaaradda, taas oo aanay cidina ka bixin.
Abaaro 7dii subaxnimo, 20kii July 1981, ayaa Kabtan Cabdi Maxamed oo lagu naanaysi jiray Dhafuuje iyo La-duuliye Cali Ummul ay maddaarka Aadan Cadde ee Muqdisho ka kiciyeen diyaarad Fokker F27 ah lambarkeeda diwaangelintu ahaa 6O-SAY. Waxay sidday 44 qof oo rakaab ah iyo afar shaqaalaha diyaaradda ah. Diyaaraddu waxay shaqaynaysay muddo shan sanno ah.
Toban daqiiqo oo kali ah markii ay hawada ku jirtay ayay burburtay iyadoo ay ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa. Diyaaraddan fookarta ah wuxu qaddarku ku haleelay Balcad oo 35 kiiloomitir u jirta Muqdisho kana tirsan Shabeelaha Dhexe, sida laga soo xigtay Shabakadda Amniga Duulimaadyada ee loo yaqaan “Aviation Safety Network”, taas oo kormeerta shilalka diyaaradaha ee dunida oo dhan.
Dadka ku naf waayey waxa ka mid ahaa Jeneraal Cumar Cismaan Diiriye oo ka tirsanaa Xoggii Dalka Soomaaliyeed, saddex nin oo ay walaalo yihiin, xaaskiisii oo xaamilo ahayd iyo afar carruur ah oo uu dhalay. Eng. Cali Foodcadde, Abshiro iyo Fuaad oo ka mid ahaa shaqaalaha diyaaradda Somali Airlines ayaa iyaguna shilkaa ku qudhbaxay.
Eng. Cali Foodcadde wuxu diyaaradda soo fuulay kadib markii uu sidaa codsaday kabtankii diyaaraddu. Sida ay tibaaxeen khuburada duulimaadyadu may jirin sabab injineerku diyaaradda u soo raaco maadaama diyaaradda aan wax dayactir ah lagu samayn inta ay hawada ku jirto.
Haddiiba injineer loo baahnaa waxa gegida Hargeysa diyaar ku ahaa Eng. Axmed Cusmaan oo ku magac dheeraa Maaskaro kaas oo hadda ku nool Canada. Eng. Axmed wuxu filayey in diyaaraddu soo cago-dhigan doonto laakiin taasi may dhicin.
“Aad baan u naxay markii aan maqlay in diyaaraddii burburtay” ayuu Eng. Axmed u sheegay shabakadda Hiiraan Online. “May jirin sabab uu saaxiibkay Eng. Cali u soo raaco diyaarad Muqdisho ka soo kacaysa” ayuu yidhi.
Ka hor intii aanay Balcad ku dhicin, kabtanka diyaaraddu wuxu isku dayey in uu Muqdisho u celiyo diyaaradda. Sida laga soo xigtay dad maalintaa dhacdadan xogogaal u ahaa, Tusaha Duulimaadka ee loo yaqaan “Attitude Indicator” kaas oo jihada ku haga duuliyaha ayaa khalkhalsanaa. Hase ahaatee ma jiro xidhiidh ka dhexeeya khalkhalkaas iyo shilka diyaaradda. Diyaaraduhu waxay leeyihiin Tuse kale oo xataa haddii diyaaradda mishiinku ka bakhtiyo duuliyuhu adeegsan karo.
Sida ay tibaaxday Shabakadda Amniga Duulimaadyadu, diyaaraddan Fookarta ahi waxay dhex jibaaxday daruuro miisaan leh markii ay sideed daqiiqo oo kali ah hawada ku jirtay, kuwaas oo jahawareer ku riday, natiijadiina ay noqotay in baalka midig ee diyaaraddu uu xamilkiisii dhaafo isla markaana gaar u go’o.
Sheeko kale oo burburka diyaaraddan ku saabsani waxay odhanaysaa in shilka uu sabab u ahaa khalkhal ku yimid duuliyaha kadib markii uu jiheeyuhu ka xumaaday.
Laakiin sheekada odhanaysa daruuro culus iyo roob onkod leh ayaa jiray waxay ka soo horjeedda ogaalka Amniga Diyaaradaha. Sababtoo ah Muqdisho aad bay u adag tahay in bisha July ay ka jiraan daruuro onkod wata. Bishan cirka Muqdisho waa mid haawan oo aan daruuro lahayn, sidaas daraadeed way adag tahay in la malleeyo in duuliyuhu la kulmay danab.
Sideed sanno kadib oo ku beegnayd 28kii Juun 1989 waxa burburtay diyaarad kale oo iyaduna ahayd Fokker F27 lambarkeeda diwaangelintuna ahaa 6O-SAZ, taas oo soo gabagabaysay adeegsiga diyaaradaha Fokker F27 shirkaddii Somali Airlines. Kaydka Amniga Duulimaadyadu wuxu sheegayaa in diyaaraddaasi ay Maddaarka Hargeysa ka kacday 9kii subaxnimo ayna burburtay markii ay hawada ku jirtay toban daqiiqo. Waxa saarnaa 7 shaqaalaha diyaaradda ah iyo 23 rakaab ah. Dhammaantood way le’deen.
Diyaaraddan waxa looga shakiyey in ay soo rideen jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) ee dagaalka iska caabinta ah kula jirtay rajiimkii Siyaad Barre.
“Toban daqiiqo kadib markii ay ka duushay Maddaarka Hargeysa, iyada oo wali hawada sii fananaysa, ayaa labada mishiinba ay shaqada joojiyeen, kadinba waxay ku dhacday lama-degaanka maddaarka u dhow. Khasaaraha dhacay wuxu noqday in soddonkii qof ee saarnaa ay dhammaantood dhintaan” sidaa waxa lagu qoray Kaydka Amniga Duulimaadyada.
Warbixintan waxa diyaariyey oo aanu ka soo xiganay Hiiraan Online, waxaana turjumay Bandhige News.
Bandhige@gmail.com