Wararka warbaahinta internet-ka ee Afka Soomaaliga wararkooda ku saabsan dagaalada ka socda gudaha Itoobiya sidooda looma qaadan karo waayo kuwa soo tebinayaa halkay joogaan? Waxa laga yaabaa in aanay iska daa Itoobiya iyo dalalka ay deriska yihiin aanay ku sugnayn xataa qaaradda Afrika. Wararka ay soo tebiyaan ayaa wax badan laga fahmi karaa. Waxa laga fahmi karaa in ay ka helaan saaxiibo ku sugan magaalooyinka ka fog aagagga dagaaladu ay ka socdaan kuwaasina warka ay siin karaan waa uun wixii la isla dhexmarayay. Haa mararka qaarkood way jirtaa oo waxay soo xigtaan wararka madaxda kala hogaaminaysa dhinacyada dagaalka oo dabcan waxa ay sheegayaan uu yahay wax aad u kala fog oo is burinaya ama is beeninaya oo aan midna sidiisa loo qaadan karin balse aad mooddo in midba ka uu jecel yahay soo qaadanayo oo weliba inoo buunbuuninayo. Waxa ka daran marka ay isku dayaan in ay ka faaloodaan oo aad ka arkayso in aay yihiin kuwo aan xaaladda dagaal qiimaynteeda waxba uga baxsanayn ilayn horaa loo yidhi “xaajo nin aan ogayni indhuhuu ka ridaaye.
Intaa marka aan halkaa ku dhaafo maanta wararka dagaalada ka socda gobolada Canfarta iyo Axmaarada waxa ugu muhiimsan laba war oo hadii ay run yihiin xaaladda magaalada Addis Ababa wax ka bedeli kara go’aamo cusubina ay ka soo bixi doonaa Dawladda Federaalka. Weliba si dhakhso ah.
Labada war mid wuxu sheegayaa in dhinaca Tigray xoogagoodu ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigeen magaalada istraatajiga ah ee Mille oo Gobolka Canfarta ah taas oo muhiim ah in ay gacanta ku dhigaan waddada iyo khadka tareenka ee isku xidha Addis iyo Jabuuti, waana tii ay ku taamayeen oo ay ku guulaysteen haddii ay dhab noqoto waanay u dhawdahay in ay tahaye. Ta labaadna waa falaadha Ciidanka Difaaca Tegray ee ku wajahan magaalada Gonder oo ah caasimadda labaad ee gobolka Amxaarada oo la sheegayo in laba daacadood ay ku gaadhi karaan marka ay ku ruqaansadaan.
Ciidanka Tigraygu in gacanta sare ee dagaalka ilaa hadda leeyihiin waxa marag u ah iyaga ayaa leh weerarka dagaalna gacanta sare waxa lagu kala kasbadaa weerar ee difaac meel la yuururo laguma kasbado. Weerarku wuxu dagaalka muhiim u yahay waa dhinaca yeedhiya halka lagu dagaalamayo iyo weliba goorta la dagaalamayo.
Ta labaad waynu ogayn oo markii hore dagaalku wuxu ka bilawday gudaha gobolka Tigray oo ciidamada Dawladda Federaalka oo kaashanayay maleesho Amxaaro ah iyo Ciidamada Calatariyo oo dhinaca waqooyiga ka soo galay ay weerarka ahaayeen gacantana ku wada dhigeen dhamaan magaalooyinkii waawaynaa ee gobolka Tigray oo ay ku jirtay caasimadda Maqalle. sideed bilood ka dib askari ciidamadii weerarka qaaday ahi oo aan maxbuus la qabtay ahayni kuma jiro gudaha gobolka Tigray, dagaaladuna hadda waxay ka socdaan degaamada Amxaarada iyo Canfarta.
Hadaba halka hadda ay xaaladdu marayso Xoogagga Tigrayga way ku adag tahay in ay xaga Addis Ababa u sii dhaafi doonin iyagoo ah jabahad qoomiyad keliya ah oo waxa laga yaabaa in ay xaaladda dib u qiimayn doonaan oo hadii ay noqoto in Addis Ababa ay beegsadaan waxay marka hore u baahan doonaan in qoomiyadaha kale, Canfarta, Amxaarada, iyo Oromada ay mucaaridkooda abaabulaan ka dibna wadajir ugu dhawaaqaan isbahaysi ama jabhad ay u dhan yihiin si ay markaa Addis Ababa u hawsan karaan.
dhinaca kale waxa jira cadaadis ay dawladaha reer galbeedka qaarkood ku saarayaan Tigraygu xabad joojin ogolaado balse waxa ka horaysa inta aanay ogolaanin in Addis Ababa ay ogolaato dhamaan shuruudihii Tigraygu hore ugu xidheen xabadjoojinta. kuwaas markii hore Dawladda Federaalku ay diiday balse markan malaha ay abaal ku qabi doonto.
Ugu dambaysta hadii ay run tahay in Tigraygu qabsaday Mille lagama yaabo in ay joojiyaan isu socodka dadka iyo badeecadda taas dadwaynaha shicibka ah dhibaato wayn ku noqon karta. Tareenka ayaa isagu aan socon doonin, baavuurtana way baadhi oo wixii aan dawladda u socon inay iska siidayn doonaan bay u badan tahay. Laga yaabaa in cashuur saaraan ay qaadaan saaxiibadooda Canfartu. Taas oo laga yaabo in dakhli badan ay noqoto.
Facebook: Caligurey
Hargeysa