Madaxweynaha gobolka Amxaarada ee Itoobiya Agegnehu Teshager ayaa shacabkiisa u diray baaq la mid ah kii uu diray Madaxweynaha Canfartu Jimcihii darraad kaas oo ah in dadka Amxaarada inta qaangaadhka ah ee heli karaysa hub ay la dagaalamaaan Tigrayga. Madaxweyne Agegnehu ayaa baaqiisa ku macneeyey halgan lagu badbaadinayo Amxaarada.
Madaxweynaha Amxaarada ayaa tibaaxay in uu durtaba u bogay sida ay dadku ugu dhego nuglaadeen baaqiisa diyaarkana ugu yihiin in ay gobolkooda difaacdaan.
Dagaalka u dhaxeeya xukuumadda Itoobiya iyo jabhadda Tigrayga ayaa maraya meel daran iyadoo laga baqo qabo in uu ku fido meelo Itoobiyada kale ka mid ah.
Dagaalka gobolka Tigreega ayaa bilaabmay bishii November 2020 iyadoo uu halkii ugu sarreeyey gaadhay bishii June wakhtigaas oo Ra’iisal-Wasaare Abiy Axmed ku dhawaaqay xabbad-joojin dhinac kali ah halka ay Tigreeguna shaaciyeen in ay la waregeen guud ahaan gacan ku haynta gobolka Tigray.
Toddobaadkii ina dhaafay Tigreegu waxay weerar ku qaadeen gobolka Canfarta halkaas oo ay sheegeen in ay ku baacsanayaan ciidan Amxaaro ah oo qayb ka ahaa gulufkii iyaga lagu qaaday. Gobolka Canfartu waa mid istiraatiji u ah Itoobiya oo ah waddan aan bad lahayn, waana gobolka marinka u ah dekedda Jabuuti ee alaabooyinka iyo cuntooyinkuba uga soo degaan Itoobiya.
Afhayeen jabhadda Tigreega Getachew Reda ayaa ku hanjabay in ay xoraynayaan taako kasta oo ka mid ah dhulka Tigrayga xataa marka lagu daro dhulka ay Amxaarada ku muransan yihiin ee ku jiray gacanta Amxaarada intii dagaalkani socday.
Maadaama isgaadhsiintu ka go’an tahay gobolka Tigray way adag tahay in la xaqiijiyo dhulka la kala haysto iyo goobaya ay dhinacyada dirirayaa kala joogaan.
Kumanaan qof ayaa dagaalkan ku naf waayey iyadoo Qaramada Midoobay sheegtay in kumanaan kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.
Il-wareed: Aljazeera