Roobab baraf ah oo ka da’aya Maraykanka oo sababay dhimasho

Roobab baraf iyo dabaylo wata oo ka da’ayey gobolladda beriga Maraykanka ayaa waxay sababeen dhimasho gaadhaysa ilaa 20 qof.

Roobabkan ayaa waxay saameeyeen nolosha 85 milyan qof oo ku nool Maraykanka.

Guud ahaan dadweynaha ayaa la faray in ku sugnaadaan guryahood tan iyo intay xaaladdu sii hore ku noqonayso, magaalada New York-na waxa la joojiyey gebi ahaanba dhaqdhaqaaqa.

Sidoo kale dad lagu qiyaasay 200 kun oo qof ayaa waxay yihiin koronto la’aan.

bandhige@gmail.com