Dawladda Ruushka ay qorshaysay in ay tobann milyan oo shisheeye ah siiso jinsiyadda Ruushka, si ay uga hortagto dad yaraan ku dhacda mustaqbalka. Kaddib markii ay tirada muwaadiniinta Ruushku nooqotay 146 Milyan, taas oo 2 milyan ka yar intii ay ahayd sannadkii 1992 kii.
Sahamin ay dawladda Ruushku ku samaysay korodhka dadkeeda ayaa muujisay in labadii sano ee u dambeeyey dadka dhintay ay 300 oo kun ka badanyihiin carruurta dhalatay. Haddii ay sidaas ku socotana waxa ay noqon doontaa in tobanka sano ee soo socda ay tirada muwaadiniinta Ruushku 12 Milyan hoos u dhacdo.
Sababaha kale ee tirada dadka Ruushka yaraynaysa ayaa la sheegay in ay ka mid tahay hijrada oo ku soo badanaysa, iyada oo dhalinyaro badani u tacaburayaan dalalka Yurub si ay nolol tooda dhaanta uga raadsadaan.
Dawladda ayaa si ay ugu gogol xaadho bixinta jinsiyadaha cusub waxa ay wax ka beddel ku samaysay xeerkii jinsiyadaha oo qodobbada la dabciyey ay ka mid yihiin; qodobkii ahaa in qofka Ruush noqonayaa uu ka tanaasulo jinsiyadda dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ama jinsiyad kale oo kasta; in qofka xaas ama carruur Ruush ah dhala ee doonaya jinsiyaddu uu marka hore dalka joogo shan san ooo xidhiidh ah, laakiin hadda uu si toos ah u dalban karo.
Fursadda jinsiyadaha Ruushku bixinayo dadka ugu badan eek a faaโiidaysan doonaa waa dadka ka soo jeeda dalalkii hore ugu midaysnaa Midowga Soofiyati oo malaayiin qof qaxoontinimo ama xoogsi ku joogaan Ruushka, maadaama oo ay dahqan ahaan yihiin cidda ugu dhow ee bulshada ku dhex milmi karta, isla markaana aanu xidhayn shardiga ah in qofka jinsiyadda qaadanayaa uu afka Ruushka barto, maadaama oo ay iyagu hore ugu hadlayeen.
Tallaabooyinka kale ee ay dawladda Ruushku dad yaraanta kaga hortegeyso waxaa ka mid ah; madaxweynaha oo dhowaan ballanqaaday in uu lacagta gunnada muwaadiniinta ah u kordhin doono qofka Ruushka ah ee carruur badan dhala iyo in hooyadu mar kasta oo ay ilmo dhasho lacag la siin doono. Waxa kale oo uu madaxweyne Putin ogolaaday in cashuurta lagu kordhiyo khamriga iyo sigaarka, si qiimihiisu uu dadka ugu qaaliyoobo oo dadka isticmaalayaa ay u yaraadaan, maadaama oo ay labaduba ka mid yihiin khataraha nolosha aadamaha soo gaabiya.
Xigasho: Kamaal Marjaan