Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in milatariga dalkiisa aysan joojin doonin duqeymaha ay ka wadaan Suuriya inta “Ururada Argagixisada” ee halkaas jooga laga adkaanayo.
Hadalkan wasiirka ayaa waxa uu imanayaa wakhti ay Qaramada Midoobay isku dayeyso in ay sii waddo wada-hadallada aan cagaha badan ku taagan ee Suuriya, maalin kadib markii dawladda iyo mucaardka Suuriya aysan wax wada hadal rasmi ah la yeelan ergeyga Qaramada Midoobay Staffan de Mistura
Levrov waxa uu si gaar ah u qeexay in kooxda xidhiidhka la leh Al-Qacida ee Jabhat al-Nusra ay tahay bartilmaameedka duqeymahooda, isaga oo sheegay in uusan arag sabab loo joojiyo.
Ruushka ayaa waxay dalalka reer galbeedku ku dhalleeceeyaan in uu weerarada ku beegsato kooxaha mucaaradka, intii ay beegsan lahayd mintidiinta, eedyemahaasi oo Ruuushkuna gebi ahaanba beeniyey.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry ayaa shalay ku baaqay in lasoo gebagebeeyo duqeymaha, islamarkaana si deg deg ah xabad joojin looga dhaqan geliyo Suuriya.
Suuriya ayaa waxa soo food saartay xaalad go’doon ah oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadwweynaha ku dhaqan Suuriya.