Kooxda la baxday Isbahaysga isbedel doonka Kulmiye oo ka cadhootay shirweynihii Kulmiye ee lagu doortay musharaxiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka doorashada 2017-ka ayaa waxay saaka isku yimaadeen hudheel Fish and Steak halkaas oo shir dhowr saacadood qaatay uga socdo haatan.
Kooxdan oo saaran diyaarad aan la garayn goorta iyo garoonka ay cago dhigan doonto ayaa waxay isku yimaadeen shir aanay hore u shaaci, kaasi oo la filayo in ay ka arrinsadaan aayahooda siyaasadeed.
Kooxdan ayaa waxa maanta ka maqan Cabdicasiis Maxamed Samaale oo aan lagu garab aragta tan iyo shirweynihii Kulmiye, kaas oo u muuqda in uu ka siyaasad duwan yahay kooxdan oo uu ka baydhay iyo Faarax Cilmi Geedoole oo aanan helin sababta rasmig ee uu uga maqan yahay shirkan ay isku yimaadeen.
Kooxdan waxa hore uga goostay oo ka hadhay Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaan Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad Cali Yuusuf.
Kooxda Isbahaysiga ayaa waxa ku jira xubno saameyn weyn kulahaa xukuumadda Siiaanyo kuwaas haatan aan saameyntoosi la arag ka dib markii ay iska casileen xilkii ay u hayeen.
Inkastoo kooxda Isbahaysigu shir uga socday Hudheelka Fish and Steak ayaa waxa dhinaca kale waxa uu Xoghayaha Guud ee Kulmiye Xasan Siciid Yusuf ayaa waxa shaaciyey in wada-hadalada u dadban iyo qaar toos ahi u socdaal hogaanka xisbiga Kulmiye iyo isbahaysiga, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Dabcan wada-hadal dadban iyo toos ay way iska jiraan, mana rajo xumin ee waa laga heshiiyaa. mabdiyan arrinta xisbiga ka go’ani waa in aanu raggaa soo dhoweynaa, la hadalno, gogosha u fidinoo, wixii ay tabanayaanba laga wada-hadlo. “
Balse waxa Xasan Sicii ku adkaystay in ay dhammaan garabyada Kulmiye aqbalaan natiijada ka soo baxday shirweynihii Kulmiye oo ay kooxda Isbahaysiga ka biyo diideed.
Wax natiijo oo ka soo baxday wali ma jir shinkan balse kala socoto Bandhige wixii warar ah ee ka soo kordha.