Maraykanka: Cudurka Zika oo soo gaadhay gobolka Texas

Masuuliyiinta Gobolka Texas ayaa sheegay in heleen hal qof uu qaba cudurka Zika oo fara ba’an ku haya Laatin Ameerika.

Sidoo kale waxay sheegeen masuuliyiintu in ay suurto gal tahay in bukaankani cudurku ugu soo gudbay dhinaca galmada oo uu galmo  la wadaagay qof qaba Zika, sababtoo ah wax safar ah umuu tegin dalalka uu ka jira xanuunkani.

Laanqayrta cas ee Maraykanka ayaa waxay sheegtay in dadka raba in ay dhiig shubaan ee u safray dalalka uu ka jiro xanuunkani ay sugaan muddo 28 maalmood ah ka hor in aanay shubin dhiiga.

Zika ayaa waxa uu cabsi wayn ku abuuray ciyaarraha Olombigada oo sannadkan lagu qaban doon Baraasiil oo uu saameeyey xanuunka Zika.

bandhige@gmai.com