Ciidamadda Booliska xabsiga u taxaabay ganacsade Cumar Caydiid oo ay hore dawladdu ugu wareejisay tiyaatarka Hargeysa oo uu maal-gelin balaadhan ku sameeyey.
Lama garanayo sababta xadhigiisa balse wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in ay la xidhiidh dhul baarkin gawaadhida ah oo ka tirsan tiyaatarka oo cid kale la siiyey.
Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Qorshaynta oo ay wada socdeen ganacsade Cumar Caydiid markii la xidhayey ayaa waxa uu ka warbixiyey qaabkii iyo wakhtigii la isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Saacada la xidhay waxay ahayd 2:45 duhurnimo, isaga oo markaas ku sugnaa aqalkiisa uu ku leeyahay Hargeysa, laakin sababta lagu xidhay ee aan maqlayaa waxa weeyaan dhulka baarkinka tiyaatarka Hargeysa oo ay dawladdu siisay cid kale. Maal-gashiga intaas leeg ee uu geliyay Tiyaatarka Hargeysa, maaha in uu Baarkin la’aado, sharcina uu u haystaa in ay meeshaasi tahay baarkin. Markaa Xadhigiisa waxa la leeyahay waxay ku lug leeyahay baarkinja Tiyaatarka.”
Tan iyo intii la siiyey tiyaatarka ganacsadahan ayaa waxa soo noqnoqanayey khilaafkan kaasi oo haatan ka taagan barxad hore oo la siiyey koox Salaadhiin ah.