Madaxweyne Siilaanyo waxa uu maanta derejooyiin ku taxay qaar ka mid ah saraakiish ciidanka qaranka

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo ka qaybgalay Sannad Guurada 22aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Qaranka oo lagu qabtay degmada Oog, taas oo noqonaysa in markii ugu horaysay 22 kaa sanno oo ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka  lagu qabto gobol aan ahayn Maroodi-jeex.

Ciidamada ku sugan Taliska guud ee aaga bari ama fadhiisinka aaga bari oo ay iyaga maanta u ahayd badhaadhe iyo farxad aan la qiyaasi karin ayey u noqotay in ay madaxweynuhu kula ciidaan sannad guuradooda 22aad.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu halkaa ku dalacsiiyey kuna taxay derajooyin ay ugu hoosayso gaashaanle uguna sarayso sareeyo guuto oo uu ku abaal mariyey qaar ka mida ciidanka qaranka ee difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland heeganka ugu jira meel ay joogaanba.

Dhanka kale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey taliska guud ee aaga bari, dhismayaashaas oo isugu jira hurdo, Hangaro iyo Dugsiyo kala duwan.

bandhige@gmail.com