Sheekh Aadan-Siiro waxa uu ka hadlay Salaadii Ciida arrimaha qaadhaan ururinta xabaalaha xeedho

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) ayaa u mahad naqay Dadka dhalasho Ahaan Ka Soo jeeda Gobolka Gabiley ee degan Degmada 26-june ee magaallada Hargeysa, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay kaalinta koowaad ka galeen qaadhaan loo ururinayay xabaallo cusub oo laga qorsheeyey waqooyiga Hargeysa. Waxaa kale oo uu Sheekhu u mahad naqay Beesha uu ka dhashay ganacsade Cali Maaweel oo uu sheegay in ay iyaguna kaalinta labaad u galeen bixinta taborucaadkaas.

Sheekh Aadan Siiro oo khudbadii Salaada ciida ee saaka uu ka jeediyey garoonka Xawaadle ee degmada 26 June ee Hargeysa qayb ka mid ah ku soo qaatay qaadhaan ururin lagu qabyo tirayo qaybย  kamid ah xabaallo cusub oo Waqooyiga Hargeysa laga samaynayo, kadib markii ay buuxsameen Xabaailihii hore ee Xeedho. Isagoo Sheekhu arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œHalkan waxaan uga mahad naqayaa oo aan idiin sheegayaa gobolka Gabiley dadkau dhashay dembigooda iyo ka waalidkoodba illaahay ha dhaafo, waad ogtihiin oo gobolka Gabiley waxaa uu kamid yahay gobollada ayu dhasheen dadka degan meeshan aan ka hadlayo [xaafadda Xawaadle ee Hargeysa]. Runtii reer Gabiley iyaga oo deegaankan Hargeysa looga badan yahay haddana waa dadka ย ugu qaadhaanbixin badnaa [contrabution] Xabaallaha cusub. Adeerrayaal arrintu xoog maaha, magac maaha, magacyo hore iyo kuwo dembana maaha, laakiin annaga taladayadu waa qofkii Janada laga waayo ayaa laangaab ah.โ€

Waxaana uu intaa ku daray:

โ€œAnnagu waxaanu barbar taagannahay qofka kheyrka u ololleeya cida uu doono ha noqdee. Waxaa kale oo aanu halkan uga ducaynaynaa reerka uu ka dhashay Cali Maaweel [Ganacsade Bulshada dhexdeeda Magac ku leh] waa reerka labaad ee ugu qaadhaan bixinta badan, dembigooda Illaahay ha dhaafo ka waalidkoodna ha dhaafo. Annagu dadka wanaagsan waanu dhiirinaynaa inta kalena waxaanu leennahay waar halkani waa halkii waalidkaa iyo ehelkaaga cidda aaad ugu jeclayd lagu aasayay.โ€

Sheekhu Waxaa uu u duceeyey dadkii ka qayb qaatay tabarrucaadkii lagu iibiyey dhulka loo qorsheeyey in ay xabaallaha cusubi noqdaan halkaas oo haatan ay qaybo kamid ahi dhiman yihiin nidaamintoodu.

bandhige@gmail.com