Sheekh Aadan-Siiro waxa uu xukuumadda ugu baaqay in Derajooyinka ay bixiyaan qabyaaladda

Khudbadii salaada Jimcaha ee Sheekh Aadan-Siiro ayaa waxa uu kaga hadlay khayrka ayaamaha ugu dambeeya bisha barakaysan ee Ramadaanta. Sidoo kale waxa uu si qoto dheer uga hadlay sakada gaar sakaatul fidriga iyo faa’iidooyinka ku jira.

Dhanka kale waxa uu Sheekhu aad uga hadlay derajooyinka ciidanka Somalilan, taas oo uu ku ammaanay xukuumadda Kulmiye, oo uu sheegay in ay qaabkii loo bixin jiray derajada in ay maanta xukuumaddu u bixiso qaab qabiilaysan, taasi oo uu ugu baaqay in ay xukuumaddu joojiso qaabka loo bixinayo hadda, balse loo daayo guddiga derajooyinka ee iyada marka hore dejisay bixinta derajooyinka.

Halkan hoose ka daawo khudbada Sheekh oo dhamaystiran:

bandhige@gmail.co