Shir lagaga arinsanayey horumarinta deegaamadda Galbeed Buuhoodle oo ka furmay Qorilugud

Waxa Qorilugud ka furmay shir lagaga hadlayo horumarinta Galbeedka deegaamadda Buuhoodle oo loogu magac daray Danjir ayaa waxa ka soo qayb galay ergooyin gaadhaya dhawr boqol.

Ugu horeyn waxa ka hadlay shirkan Guddoomiyaha qaban qaabada Faysal Cilmi Cali ayaa waxa uu sharaxaad kooban ka bixiyey ujeedada shirkani, waxaanu yidhi:

“Bacda salaam maanta shirka aynu isku nimid waa shir beeleed dhaqan ah, maadaama oo uu sidaa yahayna waxa mihiim ah in uu ka baxsanaado siyaasad iyo dan gaar ahba, labadaasiba shirkan waa ka dibedda. Waliba waxaa intaa nagu soo gaadhaysa wararka suuqa laga leeyahay ee ah inuu shirkani yahay mid siyaasadaysan oo aanu Cuqaalna aanu wadano taasina ma jirto, laakiin waxaynu ka tashanaynaa waa danaheena, waa wada-tashi, wada-tashigaasina waxa uu noqonayaa, sidaynu inaguna u wada noolaan lahayn, ummadda kale ee dhulka inagula noolna nabad ugala noolaan lahayn. Nabadihii hore ee la soo xidhayna aynu u taageeri lahayn una dhiiri galin lahayn, oo aynu u daadagno horumarka deegaanka, iyo wixii loo baahan yahay oo aynu ka tashano.”

Dhinaca kale qaar ka mid ah Cuqaasha deegaanka Bari ee Buuhoodle ayaa iyaguna soo dhaweeyey shirkani wada-tashi, una mahad celiyey Qurba jooga reer Buuhoodle ee soo abaabulay shirkan lagaga xaajoonaayo horumarka iyo danaha deegaankooda.

Ugu dambayntiina waxa shirkaasi ka hadalo kooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha Degmada Qorilugud Maxamed Sharku-nabane waxaanu yidhi:

“Waanu soo dhaweynaynaa shirkan wada-tashi maamul ahaan xukuumad ahaan, si rasmiyana waanu u furnay, waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay sida wanaagan ee ay qurba joogta deegaankani uga soo fikireen aayihii dadkan, si ay xasilooni iyo nabadgalyo ay gudahoodu ugu wada noolaan lahaayeen.”

Shirkan ayaa daba socda shirkii nabadeed ee ka dhacay deegaanka Coodanle kaasi oo loogu soo gabagabeeyey nabad ka aslaaxda islamarkaana ka hirgasha deegaanadan, oo ay colaad muddo soo jiitamaysay ka taagnayd.

bandhige@gmail.com