Suldaan Maxamed Muuse oo bogaadiyey telefishanka Star talooyina u gudbiyey

Suldaan Maxamed Muuse Nuur oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa bogaadiyey telefishan Star oo ka mid ah telefishanka baahiya wararka Somaliland. Qoraal uu soo gaadhsiiyey mareegta Bandhige wuxu u qornaa sidan:

“Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabrakatu. Marka hore dhammaan waan idin salaamayaa. Marka xiga hambalyo iyo boogadin u dirayaa telefishanka caalamiga ah ee Star oo runtii soo bandhiga doodo aad u qiimo badan oo mujtamaca reer Somaliland ay wax badan ku fahmi karaan.

Waxan leeyahay halkaa kawada oo waliba soo bandhiga doodaha arimaha diiniga ee wadaaddadu isku maan-dhaafsan yiihin iyo arrimaha bulshada oo ay ugu horayso qaddiyadda soo-jireenka ah ee dulmiga ku dhisan ee lagu hayo beelaha aynu u bixinay magacyada aadka u qadhaadh ee ay ka mid yihiin: dadka lahayb sooco, dadka laga tirada badan iyo magacyo kale”

Suldaanku wuxu telefishanka Star u soojeediyey in aanay ku koobnaan arrimo siyaasadeed oo kaliya. Wuxuna yidhi:

“Dooduhu yaanay ku ekaan siyaasadda oo kaliya. Waxaan ugu baaqayaa saxaafadda Somaliland in ay so bandhgaan waxyaabaha mujtamaceena aafeeya. Saxaafaddu waa mindi laba af leh oo hadba sidii loo adeegsado uun ay ku xidhan tahay. Ilaahay waxan ka baryayaa in uu suxfiyiinteena ka yeelo kuwii dalkooda iyo diintooda anfici lahaa.”

Telefishanka Star beryahan dambe waxa lagu ammaanaa in uu la yimid firfircooni dheeraad ah isla markaana buuxiyey kaalin bulshada tabaysay.

suldanabusufyan@gmail.com