Madaxweyne Siilaanyo wuxu hambalyeeyey 38-guurada xornimada Jabuuti

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ah Bandhige la soo gaadhsiiyey waxa ku dhigan hambalyo uu Madaxweyne Siilaanyo u gudbinayo xukuumadda iyo shacabka Jabuuti munaasibadda 38-guurada xornimada dalkaas awgeed. War-saxaafadeedku wuxu u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay maanta ku beegan tahay xuska sannad-guuradii 38aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen gumaystihii Faransiiska 27kii June 1977kii.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadinayaa dawladda Jabuuti ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle horumarka ay ku talaabsadeen xukuumadiisa iyo shacbigiisuba muddadaasi ay madax-banaanida haysteen.