Taageereyaasha Kulmiye ayaa maalintii labaad isugu soo baxay magaalooyinka Somaliland

Kumanaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ah ayaa dhammaan magaalooyinka Hargeysa maalintii labaad isku soo baxay si ay u muujiyaan taageerada xisbigaas.

Magaalada Burco waxa fagaaraha dadweynaha kala qayb-galay Muuse Biixi Cabdi, murashaxa madaxweynenimo ee Kulmiye. Waxaanu magaalada ku dhex maray faras iyadoo ay la socdeen koox fardoolay ah oo taageereyaasha Kulmiye ah.

Magaalada Hargeysa taageereyaasha Kulmiye fagaaraha garoonka Xawaadle ee 26-ka June kala qayb-galay maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco.”

Madax Kulmiye ah ayaa iyaguna gobollada iyo degmooyinka banaan-baxyadaka Kulmiye kala qayb-galay.

Ilaa hadda ololaha doorashooyinka Somaliland ayaa u socda si nabadgalyo ah oo habsami ah.