Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland wuxu soo kormeeray Suuqyada Hargeysa

 

Taliyaha Ciidamada Booliska JSL sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo uu weheliyo ku xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ciidamada bilayska ahi ayaa xalay waxaa ay kormeer ku tageen suuqyada waaweyn ee magaallada Hargeysa oo waqtigan mashquul ku ah u diyaar garawga ciidda barakaysan ee ciidul fidriga.

Taliyaha Bilayska iyo saraakiisha kale eee wehelinaysay waxaa ay u kuurgaleen xaallada ammaan ee suuqyada Waaheen iyo Gobannimo, waxaana mar ay warbaahinta kula hadleen goobaha suuqyadaasi oo xilligaasi saxmad ahaa waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay afhayeenka Booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi, waxaana uu yidhi:

“Waad arkaysaan annaga oo gudanayna xilkayaga iyo waajibaadka na saaran oo ah inaanu sugno nabadgalyada iyo dalka, waxaad ogtihiin oo waxaa lagu jiraa u diyaar garawgii ciida, waxaana halkan wareegaya oo kormeer samaynaya taliyaha ciidamada Bilayska, ku xigeenkiisa iyo hoggaamada kale ee bilayska.”

Ku-xigeenka taliyaha ciidamada Booliska Sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxu yidhi:

“Bishan barakaysan oo gebogabo ah ciidanka bilaysku waxaa ay ku jireen muddoba hawlgal aan kala go’  lahayn isaga oo waajibaadkiisa distooriga ah gudanaya.”

Fooxle, gabagabadii waxaa halkaasi ka hadlay jananka bilayska SArreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan waxaanu yidhi:

“Ciidamada Boolisku dhammaan gobollada iyo degmooyinka JSL waxaa ay ku jiraan heegan buuxa iyagoo Adkaynaya amniga illaahayna talo saaranaya, annaguna waxaanu halkan [suuqyada] u nimi kormeerku saabsan waajibaadka qaran ee dastuuriga ah ee ay ciidanka buliisku u fulinayaan adkaynka amniga.”

Sidoo kale Taliye Fadal waxa uu farriin u diray shacbiga Somaliland, waxaanu yidhi:

“Cidkasta oo dareen idinka galo waxaan halkan idiinka soo jeedinayaa inad u soo sheegtaan ciidanka booliska iyo hay’adaha kale eeamniga ee ay wada shaqaynta leeyihiin.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

Xigasho: Qoraalka warka Hubaal Media, muuqaalkana Bulsho TV.

bandhige@gmail.com