Tartankii Qur’aanka Kariimka ee Boorama waxa lagu soo gunaanaday xaflad weyn

Tartankii 10aad ee Qur’aanka Kariimka ah oo soo bilaabmay 1dii Ramadaan ayaa Jimcihii lagu soo gabagabeeyey xarunta gobolka Awdal.

Xaflad si wacan loo agaasimay oo ay ka soo qayb-galeen Badhasaabka Awdal iyo maamulka degmada Boorama, culimaa’u-diinka Awdal, wefti ka socday Jaamacadda Azhar ee Masar, waalidiin iyo dadweyne tiro badan ayaa lagu qabtay Boorama.

Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Boorama Sheekh Cali Aadan oo munaasibadda warbixin ka jeediyey ayaa xusay in ardayda tartanka ku loollantay ay gaadhayeen 300, kuwaas oo ka kala socday in ka badan 40 maddarasadood.

Sheekh Cali wuxu sheegay in tartanku ahaa mid ka-qayb-galayaashiisu aad u dedaaleen taasina ay keentay in dhibcaha la kala sarreeyey ay koobnaadaan.

Sheekhu waxa uu mahadnaq u jeediyey Shirkadda Telesom, Dr. Nimco Xaaji Abuubakar iyo Dr. Walhad oo ku deeqay dhaqaalihii ku baxay tartankan.

Sheekh-Al-Beledka Boorama, Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar, ayaa isaguna madasha ka jeediyey hadal guubaabo iyo dhiirigelin isugu jira. Sheekhu wuxu u duceeyey da’yartii Qur’aanka xafidsanayd ee tartanka ka qayb-qaatay wuxuna ku dhiirigeliyey da’yarta kale in ay ku daydaan.

Badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” oo soo xidhay xafladda wuxu tartankan ku tilmaamay wax wanaagsan oo ku-dayasho mudan. Da’yartii tartanka ka qayb-qaadatayna wuxu ku sifeeyey in ay yihiin awlaad akhlaaq leh oo si wacan loo soo barbaariyey.

Guddoomiye Ramaax wuxu ballan-qaaday in uu qayb ka ahaan doono tartannada caynkan ah madaxda qaranka wuxu sheegay in uu ku dhiirigelinayo in ay si weyn u taageeraan tartannada Qur’aanka Kariimka ah.

Gunaanadkii munaasibadda waxa abaalmarino la guddoonsiiyey 18 arday oo Qur’aan-xafid ah kuwaas oo kala ahaa 9 gabdhood iyo 9 wiil oo ku tartamay 3 heer oo Qur’aanka ah.

Bandhige@gmail.com