Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.18aad

Tobanka dambe ee Ramadaan

Tobanka u dambeeya Ramadaan waa habeennada ugu qiimaha badan habeennada uu Alle SWT abuuray. Marka tobanka dambe soo galaan waxa loo dedaalaa si ka sii wanaagsan sidii hore. Caa’isha RC waxa ka sugnaaday:

“Marka ay bilaabmaan tobanka dambe Rasuulku dhiisha ayuu guntiga ka xidhi jiray, habeenkana wuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu toosin jiray.”

Markaa adiguna waa in aad qorshaha ku darsato in aad xawligaaga kordhiso marka toban kani soo galaan. Inta badan dadku tobanka dambe daal ayey la kulmaan ay labaatankii hore ku soo yar caajiseen, taasana keenaysa in dardargelin xagga cibaadada ah la sameeyo waxana soo korodha cibaadada Tahajudka la yidhaa, salaadda oo firfircooni badan oo dadku u hayaan keenta.

Dadka qaar baa tobankaa dambe meheradahooga ku mashquula oo tobankaa ka dhigta maalmo ganacsi. Waxa aynu leenahay waar la idiinma diidana shaqadee tobankan ka faa’iideeya waa jaanis aydaan hubin inuu mar dambe idin soo mari doono.

Tobankan dambe waa habeenno hurdada la kala tago. Caa’isha RC waxa ka sugan:

“Labaatanka hore Rasuulku marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray, laakiin tobanka dambe hurdo way kala tagi jireen.”

Tobankan waxa la qabtaa oogista salaadda iyo Alle SWT oo dambi-dhaaf la waydiisto isagana la xuso.

Marka laga hadlayo xuska Alle SWT waa waynayn isaga la waynaynayo iyo in laga kor yeelo xumaan. Waxa kale oo xus la yidhaa in Alle SWT loo mahadceliyo

Ilaahay SWT cid caddaalad samaysa isagaa ugu sarreeya. Iyadoo khasab lagugu leeyahay  inaad Alle xusto ayaa haddana lagu leeyahay mar kasta oo aad Alle SWT xusto isaguna wuu ku xusayaa.  Alle SWT wuxu ydihi:

“I xusa aan idin xusee”

Xuska aad adigu Alle SWT xusaysaa waa adiga oo dambi dhaaf waydiisanaya, adiga oo xumaan ka kor yeelaya iyo adiga oo u mahad-celinaya galladaha uu kuugu deeqay dartii.

Sidoo kale xuska uu Alle SWT adiga ku xusayaana waa in uu dambi-dhaaf ku siiyo. Xilliga aad Alle SWT xusaysaa ma laha xilli sooc ah, se mar walba waad xusaysaa.  Alle SWT waxa ka sugan:

“Kuwa in badan Alle xusa iyagoo taagan, fadhiya ama jiifa.”

Adiga oo iska jiifa ayaad Allaah xusaysaa, adiga oo suuqa iska dhex maraya, adiga oo shaqadaada ku jira.

Mar kasta oo carrabkaagu barto xuska Alle waa mar walba oo naftaadu xasilayso, dareemayso na degenaan, Alle SWT waxa uu yidhi:

“Ragga iyo dumarka Alle xusa waxan u diyaariyey dambi dhaaf iyo janno.”

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com