Imaaraadka Carabta oo la sheegay in uu hub culus ugu deeqay Somaliland iyo xukuumadda oo beenisay

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland isla markaana lagu wadaagay baraha warbaahinta bulshada, Somaliland ayaa markan guddoontay deeq ka duwan kuwii ay hore bulshada caalamka uga guddoomi jiray. Imaaraad Carabta ayaa la sheegayaa in uu Somaliland siiyey soona gaadhsiiyey shixnad hub ah oo noocyo kala duwan isugu jirta taas oo ay ka mid yihiin dabaabado iyo gaadiidka gaashaaman ee lagu dagaal galo.

Sidoo kale shixnadda waxa ka mid ah baabuurta loo yaqaan 4.5 ama Cabdi-Bile kuwaas oo ay ku rakiban yihiin qalabka mudaharaaddada lagaga hor tago.

Wararkan oo aan la xaqiijin karayn isla markaana ay si rasmi ah u beenisay xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in dekedda Berbera hubkan laga soo dejiyey isla markaana la filayo in loo kaxayn doono talisyada ciidamada ee kala duwan.  Waxa iyaguna shixnadda ka mid ah sida sawirradu muujinayaan mootooyin iyo booyadaha ay ciidamadu biyaha iyo shidaalka ku dhaansadaan.

hub2

hub3

Hub 5

Hub

Badhasaabka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoorxoor oo  Sabtidii maanta saxaafadda la hadlay ayaa labadooduba waxa ay si adag u beeniyey jiritaanka warkan. Sawirrada la baahiyeyna waxa ay ku sheegeen qaar aan run ahayn oo meelo kale laga soo qaaday.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cuma-qabatayntii hubka ee saarnayd dhulka ay u yaqaanaan Soomaaliya oo Somaliland ay ku jirto ka qaaday Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo kaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan waxa ay qalab fudud oo gaadiid ku kooban siiyeen maamul-goboleedka ku-meel-gaadhka ah ee Jubbaland.

Haddii warkani run yahay, lama oga in Kooxda La-socodka Hubka Soomaaliya ee magacooda loo soo gaabiyo “UN Monitoring Group” ay Imaaraadka eedayn doonaan iyo in kale.

bandhige@gmail.com