Tartankii ugu weynaa dunida ee Geela oo dhowaan ka dhacaya Sacuudiga

Madaxa Xidhiidhka ciyaaraha Geela ee Sacuudiga ayaa sheegay in tartanka Geela sanadkan uu noqon doono kii ugu balaadhnaa abid.

Guddiga Federaalka ayaa daabacay jadwalka xafladda sanadkan, kaasoo bilaabanaya 1-da Agoosto.

Bandhigga oo lagu qaban doono magaalada Taif ayaa la qorsheeyay inuu socdo muddo soddon iyo siddeed maalmood ah.

Bandhiggan oo uu wado dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed Bin Salmaan, ayaa ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado tartanka geela oo arrin lama huraana u ah dhaqanka Sacuudiga.

Xafladdu waa mid ka mid ah kuwa ugu qanisan uguna caansan adduunka.

Waxa la geliyay buugga Guinness Book of Records markii ugu horreysay afar sano ka hor oo lagu helay tirada ugu badan ee geela tartanka ku jira, kaas oo kor u dhaafay saddex iyo toban kun markii ugu horreysay.

Tartanka Geela ayaa soo socday boqollaal sano, waana arrin qadiimi ah oo ka mid ah jadwalka ciyaaraha dalalka Khaliijka oo ay ku jiraan Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Cumaan.

Jaziiradaha Carabta ayaa tan iyo waayadii hore caan ku ahayd dhaqashada Geela, waana xirfad aysan wax u dhimin casriyeynta iyo waqtiga sii socda, gaar ahaan Boqortooyada Sacuudiga.

Boqortooyada ayaa dhawaan soo bandhigtay qalab koronto oo loogu magac daray “diiwaan geli”, kaas oo ujeedadiisu tahay ilaalinta iyo diiwaan gelinta taranka geela.

Madal ka kooban kayd aad u badan, ayaa uruurisa xeerarka hidde-sidaha geela.

Madashu waxa kale oo ay ka shaqeysaa ilaalinta taranka geela iyo isku xig-xiga si ay u siiyaan iibiyaha iyo milkiilaha, iyo in la ilaaliyo taranka qadiimiga ah iyo kuwa dhifka ah.

Goobta waxa kormeeraya Naadiga Geelleyda iyo Cisbitaalka Takhasuska leh ee Boqor Faysal iyo sidoo kale Xarunta Cilmi-baarista, marka laga eego dhinaca farsamada iyo caafimaadka.

Mas’uuliyiinta waxay doonayaan in ay soo bandhigaan nidaamka dukumentiga taranka oo shuruud ku ah gelitaanka iyo ka qaybgalka xafladaha tartanka geela ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo mulkiile kastaa la siin doono warqad caddaynaysa geeliisa oo ay ku jiraan macluumaadka lagama maarmaanka ah oo leh faahfaahinta sifooyinka taranka.

Dadka madal-sharafeedkan gacanta ku haya waxay aaminsan yihiin in sida weyn ee ay hantiilayaashu uga jawaabaan hannaanka diiwaan-gelinta ay tahay tiir-dhexaadka guusha hindisahan oo cid walba faa’iido u leh, laga bilaabo mulkiilayaasha, iyada oo la sii marayo xarumo waaweyn, iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee xiisaha xoolaha, gaar ahaan geela.

Xigasho:BBC somali

Bandhige@gmail.com