Waxa uu ahaa oday daโ ah oo madaxiisu cadaaday markii uu soo galay hoolka kulliyadad Arts , dhamaan ardaydii kulliyadaasi way isu wada taageen iyagoo filayay inuu yahay Profosserka.ย Laakiin odaygu kurisigiisa ayuu iska fadhiistay sida ardayda kale.
Markii ay xiisaddii dhamaatay ayuu eegay ardaydii waxaana uu ku yidhiย โ Anigu waxaan ahay kaboole, dayactirkaa kabaha ku shaqaysta , dukaankaygu wuxu ku yaalla sekedda ugu horaysa dariiq lagu magacaabo โKacaankaโ.
Waxa aana ahay aabo dhalay 7 caruuur ah oo maanta ah Dhakhtaro, Injineero, sarkaakiil ciidanka ah iyo gabadh iyaduna kalkaaliso caafimaad ahโ .
โHabeen kasta marka qoyskaygu iska sheekaysanayaan oo caruurtayda oo dhami falanqaynayeen cilmiga iyo aqoonta, ayaan hadalkii wax ku darsaday , laakiin mid caruurtayda ka mid ah ayaa igu yidhi โ Aabo waxa uu ka hadlayaa mawduuc cilmi ah adiguna ma fahmaysid, ee iska dhaaf qodobkaasiโ.
Aad ayaan u murugooday, laakiin wiilkayga umaan jawaabin, madaama uu cilmi iyo aqoon ku faanay, waxa ay ii ahayd farxad.
Maalintii ku xigtay waxa aan soo iibsaday manhajka waxbarasho ee fasalka 9aadย dugsiga sare anigoo hore u dhameeyay dugsiga dhexe, isla markiiba waxa aan bilaabay inaan ku dhigto dukaankayga dhexdiisa iyadoon qofna iga warhayn, imtixaankiisa ayaan galay waan gudbay iyadoon qofna war ii haynโ.
โHaddana waxaan soo iibsaday buugaagta Diploma waana aan bartay oo imtixaankii gudbay iyadoon qofna war ii haynโ โMaanta waxaan bilaabaya Jaamcaddii insha Allah markaan dhameeyo ee aan caruurtayda u tago ku odhan doona โ Tani waa shahaadada kaboolaha idiin soo korayay ee wax idin baray ee idiin guuryay u ogolaanaysa inuu sheekada idinla wadaagoโ.
Bandhige@gmail.com