Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa waxa uu mar kale amaanay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ku tilmaamay in uu ka hoggaan fiican yahay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.
Hadalkan waxa uu sheegay Trump isagoo ka qeybgalayay kullan ay su’aallo ku weydiinayeen xubno horay uga tirsanaa milatariga ayaa Trump wuxuu sheegay in Putin uu ka hoggaan fiicanyahay Madaxweyne Obama.
Hadalkiisa ayaa yimid saacado uun kadib markii masuulka ugu sarreeya aqalka gaashandhiga Maraykanka uu ku eedeeyey Ruushka in uu abuurayo xasilooni darro caalami ah.
Xoghayaha arriimaha difaaca Maraykanka, Ash Carter, wuxuu sheegay in ay iska caddahay in hamiga Ruushka uu yahay sidii meesha looga saari lahaa kala dambaynta caalamiga ah.
Trump wuxuu saadaaliyay in haddii la doorto isaga bisha Noofambar ay si fiican iskula jaan qaadi doonaan hoggaamiyaha Ruushka.
Ma aha markii ugu horreysay oo Trump uu ammaano madaxweyne Putin.
Bishii Diisambar ayaa Madaxweynaha Ruushka wuxuu ku tilmaamay Trump in uu yahay nin karti leh, arrintaas oo uu Trump ku tilmaamay in ay sharaf u tahay.